Baarlamaanka HirShabeelle oo ansixiyay Gollaha Wasiiradda

Image

JOWHAR, Soomaaliya - Xildhibaanada Baarlamaanka HirShabeelle ayaa saaka cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Gollaha Wasiiradda cusub ee maamulkaasi, kadib kulan ay ku yeesheen xaruntooda magaalada Jowhar.

Kulanka oo ay soo xaadireen 79 Xildhibaan, ayaa waxaa 77 kamid ah ay u codka kalsoonida siiyay Xukuumadda Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare, halka 2 Mudane ay diideen, mana jirin Xildhibaan ka aamusay.

Gollaha Wasiiradda ayaa ansixinta kadib lagu dhaariyay goobta, iyadoo uu goobjoog ka ahaa Madaxweyne Waare oo uu uga mahadceliyay Baarlamaanka codka kasloonida ay siiyeen Xukuumadda.

Ansixinta Gollaha Wasiiradda ayaa la filayay inay shalay dhacdo, balse baaqatay kadib markii Xildhibaanada ay ku xireen shuruud ah in marka hore la siiyo mushaaraadkooda ka maqan mudo bilooyin ah.

Lama oga in maanta Xildhibaanada uu Madaxweyne Waare siiyay lacagtooda, maadaama ay ka muuqatay niyad-sami markii ay ansixinayeen Wasiiradda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM