Baarlamaanka Jubbaland oo xayiraad isku soo rogay

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Jubbaland ayaa maanta u codeeyay qaraar cusub oo u diidaya inay shirar ku yeelan karaan meel ka baxsan magaalada Kismaayo.

Kulan ay isagu yimaadaan 38 Xildhibaan ayaa lagu meel mariyay qaraarka, kaasi oo 32 mudane ay taageereen, iyadoo 4 ay kahor yimaadeen halka 2 ay ka aamustay, sida uu ku dhawaaqay Habdhowraha Baarlamaanka Jubbaland Bashiir Maxamed Daahay.

Qodobkan ayaa la sheegay inuu dalbaday Madaxweyne Axmed Madoobe, kadib markii dhawaan Xildhibaano badan ay diyaariyeen mooshin ka dhan ah Xukuumadiisa kuwaasi oo laga hor istaagay inay kasoo baxaan magaalada Kismaayo.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale lagu wargeliyay in midkii shir ku qabto meel aan ahayn Kismaayo lagala noqonayo Xasaanada.

Bishii lasoo dhaafay, Ciidamada Jubbaland ayaa xabsiga dhigay Xildhibaan Axmed Taajir maalin kadib markii Baaramaanka uu ka qaaday xasaanada, isagoo lagu eedeeyay inuu qeyb ka ahaa Xildhibaanada waday Mooshinka.

Xilli uu sii dhamaanayo mudo xileedka Axmed Madoobe, dad badan ayaa shaki ka muujiyay inay doorasho dhacdo, waxayna sheegayaan in Madaxweynaha uu doonaya inuu xilka sii hayo oo mudo korarsi sameysto.

Xildhibaano dhowr ah ayaa xasaanada laga qaaday markii ay kasooo horjeesteen maamulka Axmed Madoobe oo ay ku eedeeyeen inuu ka gaabiyay arrimaha amniga iyo la dagaalanka Al Shabaab ka saaro degmooyinka Jubbooyinka iyo Gedo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM