Baarlamanka Koonfur Afrika oo u codeeyay in la xiro safaaradda Israel

Image

PRETORIA - Xildhibaannada waddanka Koonfur Afrika ayaa Talaadadii u codeeyay in la xiro safaaradda Israa'iil ee Pretoria, lana joojiyo dhammaan xiriirkii diblamaasiyadeed ilaa laga gaarayo xabbad-joojin dagaal Gaza.

Qaraarkan ayaa ah mid inta badan fulintiisu ay hortaal xukuumadda Madaxweyne Cyril Ramaphosa; iyada oo afhayeen u hadlay madaxtooyada uu sheegay in Ramaphosa "uu xusay inuu qaddariyo" qaraarka baarlamaanka ee ku aaddan xiriirka diblomaasiyadeed ee Koonfur Afrika iyo Israa'iil, gaar ahaan maqaamka safaaradda.

"Madaxwaynaha iyo golaha wasiiradu waxay ku hawlan yihiin arrintan, taas oo weli ah fulinta mas'uuliyadda qaranka," ayuu yiri Vincent Magwenya.

Ramaphosa iyo saraakiisha sare ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa si bareer ah u dhaleeceeyay hoggaanka Israa’iil intii uu socday dagaalka Marinka Gaza, iyaga oo ugu baaqay maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada inay baaritaan ku sameyso dambiyada dagaal ee suurtagalka ah.

Safaaradda Israa’iil markiiba kama jawaabin codsi ahaa inay ka hadasho arrintan.

Isniintii, safiirka Israa'iil ee Pretoria ayaa looga yeeray Tel Aviv si uu wadatashi ula yeesho dowladdisa kahor codbixintan, taasoo Talaadadii lagu ansixiyay codadka 248 xildhibaan, halka 91 xildhibaan ay diideen qaraarkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo fagaaraha kasoo muuqday kadib markii lagu tuurey xukunka Koonfur Galbeed 

Cabdiasiis Laftagareen wuxuu u ballan-qaaday xulafadiisa in xiriirkooda siyaasadeed uusan halkaas ku dhammaan doonin.

  • Soomaliya

    18-04-2026

  • 01:57PM

Dowladda Puntland oo warka soo saartay Xaaladda Soomaaliya

Goluhu wuxuu ansixiyey Siyaasadda daboolida kharashaadka Adeegyada Caafimaadka - oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaraadda Caafimaadka.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 11:58AM