Bahrain: Dowladda Soomaaliya way ka abaal dhacday Imaaraadka

Image

MANAMA - Dowladda Bahrain ayaa markii ugu horeysay ka hadashay xiriirka sii xumaanaya ee Imaaraadka iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha Dibadda Bahrain Khalid Bin Axmed Al-Khalifa ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ku abaal dhacday Imaaraadka.

Qoraalka uu Wasiirka Boggiisa Twitter-ka soo geliyay ayuu ku sheegay in Imaaraadka uu Soomaaliya u fidiyay taageero dhinacyo badan leh,  balse dowladda Federaalka ay ku abaal dhacday.

Khalid Bin Axmed ayaa xusay in Imaaraadka uu u qabtey Soomaaliya Shirar dhowr ah oo xal loogu hadlayey Burcad badeedka, kuwaasi oo Madaxweynayaashii dowladda Federaalka ay goobjoog ahaayeen.

Wasiirka ayaa carabka ku dhuftay in Imaaraadka uu Soomaaliya ka ga can siiyay wax ka qabashada khatartii burcadbadeeda, uguna deeqday hub, dhaqaale, gargaar bini"aadanimo iyo Tabararka Ciidamada.

Isagoo hadalkiisa sii wata Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ugu abaal guday Imaaraadka dafiraad, aflagaado iyo inay garab siiso cadowgeeda.

 

“Soomaaliya waxay ku jawaabtey ixsaan loo sameeyey iney inkirto islamarkaana ku soo Daba gabato gacmaha cadowga wadamadeena, Alaa Weyn.”

Hadalka Khalid Bin Axmed, Wasiirka Arrimaha Dibadda Bahrain ayaa kasoo beegmaya xilli uu sii xumaanayo xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka sidoo kale maalintii Axada Garoonka Muqdisho lagu qabtey Diyaarad wadey lacag loogu tala galay Ciidamada Soomaaliya oo laga keenay Abu Dhabi.

Dhanka kale, dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaashaankau daruurtay eedeyn culus oo maanta usoo jeedisay dowladda Imaaraadka. Halkan ka akhri Warka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM

Uganda oo xiriirka difaaca u jartay Türkiye, malaayiin dollarna ku waayi karta Soomaaliya

Arrintan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan sida loo maalgelin doono howlgalka iyo in dalalka ciidamadooda ku sugan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 06:03AM