​Bakool: Alshabaab oo dhakhtar ku qawracday Buurdhuxunle

Image

XUDUR-Mallayshiyaad katirsan ururka Shabaab ayaa magalada Buurdhuxunle oo qiyaastii 30KM u jirta degmada Waajid ee gobolka Bakool ku gowracay nin dhaqtar ahaa oo da'diisa lagu qiyaasay 70 sano kaasoo lagu magacaabi jiray Mad Xasan Duban.

Goob joogayaal degaankaasi ku sugan ayaa warbaahinta gudaha u xaqijiyay iyagoo sheegay in dilkaasi gaysteen ururka Shabaab.

"Ninkaasi wuxuu ahaa dhaqtar xilli habeenimo ah waxaa usoo dhacay kooxo hubaysan oo afka duubtay, waxayna kala baxeen gurigiisa, subixiina waxaana aragnay maydkiisa oo runtii aad ka naxayso waana la  qowracay,"Sidaasi waxaa kusoo waramay goob jooge magaciisa sababo amni u qariyay.

Guddoomiyaha Buurdhuxunle, Aadan Huudow Axmed, ayaa dhankiisa xaqiijiyay dilkan wuxuuna sheegay inay wadaan howlgallo lagu soo qabanayo kooxihii tallaabadan ku dhaqaaqay, wuxuuna sheegay inay soo qabteen dad lala xiriirinayo arrintan inkastoo badi la sii daayay.

Lama garanayo sababta loo dilay dakhtarkaasi oo muddo dheer ka howl galayay magalad Buurdhuxunle gobolka Bakool, kaasi oo ahaa dhakhtar caan ah dadkuna aad u yaqaaneen.

Shabaab ayaa horay dhaqtarkan u afduubatay, wuxuuna gacanta ugu jiray muddo dhawr bilood ah iyagoo markii dambe iskood u sii dayay.

Burdhuxunle, waxaa iminka si toos ah gacanta ugu haya ciidanka dowladda Somalia, waxaana ururka Shabaab laga qabsaday sannadkii hore kadib howl gal si wadajir ah u fuliyeen ciidamada dowladda Somalia oo kaashanaya AMISOM.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Mucaaradka oo Isku Haya Doorashooyinka iyo Dastuurka Soomaaliya

Xiisaddan siyaasadeed ayaa imanaysa iyadoo ay weli jirto walaac laga qabo jihada mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    21-02-2026

  • 10:42PM

Halkee Marayaa Shirkii u Dhexeeyey Golaha Mustaqbalka iyo Dowladda Federaalka?

Go’aankan ayaa yimid kaddib markii ay guul-darraysteen dadaallo hore oo lagu doonayay…

  • Soomaliya

    21-02-2026

  • 03:08PM