Banaanbax lagu taageerayo dhameystirka dastuurka oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Image
Banaanbaxan ayaa waxa ka qayb qaatay Masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Dowladd Soomaaliya.

Muqdisho, Soomaaliya - Qaar ka mid dadka ku nool magaalada Muqdisho ayaa Saakay isugu soo baxay banaanbax ay ku taageeryaaan hannaanka dhamaystirka Dastuurka oo la filayo in dhawaan Baarlamaanka siiyo codka kalsoonida..

Banaanbaxan ayaa waxa ka qayb qaatay Masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Dowladd Soomaaliya kuwaas oo ugu horeeyaan maamulka Gobolka Banaadir, iyo Goleyaasha Baarlamaanka iyo Golaha wasiiradda.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al Cadaalla oo ka mid ahaa Masuuliyiintii Shacabka kula hadashay Daljirka Dahsoon ayaa yiri:

“Qof kasta ha ogaado, dadka diidan dhameystirka dastuurka waxay hortaagan yihiin xuquuqdiina, waa in laga gudbo looma dhama iyo marin habaabinta kooxaha diidan in dalkaan dowladnimo ka hana qaado.”

Banaanbaxan ayaa imaanaya ka dib khudbad uu jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu ku sheegay in dastuurka la dhameystiri doono iyadoo aan loo eegin codadka mucaaradka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sirdoonka Turkiga oo Wada Dadaallo Lagu Xallinayo Khilaafka Doorashooyinka Soomaaliya

Turkiga ayaa muddo dheer ahaa saaxiib dhow oo Soomaaliya ka taageera dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta.

  • Soomaliya

    08-06-2026

  • 08:21AM

Sheekh Shariif: Doorasho La Boobo Soomaaliya Kama Dhici Karto

Sheekh Shariif ayaa sidoo kale si adag uga hadlay muranka ka taagan hannaanka doorashooyinka dalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    07-06-2026

  • 12:42PM