Banaanbax lagu taageerayo dhameystirka dastuurka oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Image
Banaanbaxan ayaa waxa ka qayb qaatay Masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Dowladd Soomaaliya.

Muqdisho, Soomaaliya - Qaar ka mid dadka ku nool magaalada Muqdisho ayaa Saakay isugu soo baxay banaanbax ay ku taageeryaaan hannaanka dhamaystirka Dastuurka oo la filayo in dhawaan Baarlamaanka siiyo codka kalsoonida..

Banaanbaxan ayaa waxa ka qayb qaatay Masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Dowladd Soomaaliya kuwaas oo ugu horeeyaan maamulka Gobolka Banaadir, iyo Goleyaasha Baarlamaanka iyo Golaha wasiiradda.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al Cadaalla oo ka mid ahaa Masuuliyiintii Shacabka kula hadashay Daljirka Dahsoon ayaa yiri:

“Qof kasta ha ogaado, dadka diidan dhameystirka dastuurka waxay hortaagan yihiin xuquuqdiina, waa in laga gudbo looma dhama iyo marin habaabinta kooxaha diidan in dalkaan dowladnimo ka hana qaado.”

Banaanbaxan ayaa imaanaya ka dib khudbad uu jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu ku sheegay in dastuurka la dhameystiri doono iyadoo aan loo eegin codadka mucaaradka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM