Bangiga Aduunka oo shaaciyay in Soomaaliya loo kordhiyey taageero maaliyadeed

Image
Maalgelintan ayaa socon doonta illaa illaa dhammaadka Juun 2025, sidda laga soo xigtey Balanka Caalamka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa ka warbixisay koror ku yimid dakhliga gudaha, iyadoo weli dalka uu ka shaqeynayo sidii loo xoojin lahaa kaabayaasha dhaqaalaha, kaddib markii dhawaan hay’adaha caalamiga ah ee maaliyadda ay ka cafiyeen deymaha.

Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige ayaa sheegay in kororkani uu ka dambeeyay markii dib u habeyn lagu sameeyay siyaasadda maaliyadda, maamulka maaliyadda dowladda, iyo awoodda soo saarista dakhliga; iyo soo bandhigida dakhliga si casri ah.

Kristina Svensson, oo ah madaxa bangiga adduunka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in kasta oo dhawaanahan horumar ay sameysay Soomaaliya, haddana heerka dakhliga gudaha uu aad u hooseeyo si loo gaarsiiyo natiijooyin muuqda oo muwaadiniinta ah.

Waxa ay sheegtay in qeyb muhiim ah oo ka mid ah kharashaadka dowladda Soomaaliya ay hadda ku baxdo deeqo, kuwaas oo la filayo in ay si tartiib tartiib ah hoos ugu dhacaan.

Waxay sheegtay in IDA ay bixisay taageerada miisaaniyadeed ee US$175 milyan, taasoo lala wadaagay Dawladaha xubinta ka ah Federaalka (FMS) sidii isku wareejin dawladeed, labadii sano ee la soo dhaafay.

"Iyadoo la aqoonsanayo baylahdeeda xad dhaafka ah iyo in la taageero dadaallada horumarineed ee Soomaaliya, marka la eego awoodda hay'adaha daciifka ah iyo booska maaliyadeed ee xaddidan, IDA waxay kordhisay muddada ay maalgelinteeda ku bixinayso shuruudaha deeqaha illaa dhammaadka Juun 2025," Svensson ayaa u sheegay VOA.

GAROWE ONLINE

Related Articles

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM

Uganda oo xiriirka difaaca u jartay Türkiye, malaayiin dollarna ku waayi karta Soomaaliya

Arrintan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan sida loo maalgelin doono howlgalka iyo in dalalka ciidamadooda ku sugan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 06:03AM