​Baritaano laga sameeyay Muqdishu

Image

MUQDISHU-Ciidamada amniga Somalia oo kaashanaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, ayaa xalay ilaa saaka baaritaan kala duwan ka sameeyay gudaha caasimadda Somalia kaaso ujeedkiisa lagu sheegay in looga hortagayo weerarada ay gaysanayaan kooxaha kasoo horjeeda dowladda ee sameeya falalka amni darro.

Howlgalka, waxaa lagu soo qabtay ku dhawaad 600 oo ruux, waxaan baaritaan kadib laga reebay ku dhawaad 20 ruux kuwaasi oo tuhun galay siduu warbaahinta u xaqiijiyay afhayeenka gobolka Banaadir Cabdifitaax Cumar Xalane.

"Holwgalkan, wuxuu qayb ka yahay kuwa joogtada ah ee ciidamada ammaanku sameeyaan, waxaana lagu xaqiijinayaa ammaanka caasumadda, degmada walbana waxaa laga samayn doonaa, waxaa hadda laga howl galay waa demgada Yaaqshiid, waxaana kusoo qabanay 550 ruux oo aan dhammaantood baaritaan marinay. Baaritaan kadib waxaa soo haray 17 qof iyagana waa la hubinayaa wixii dambi lagu helo sharciga ayaa la gayn wixii kalena xoriyadooda ayay dib u helayaan,"Sidaasi waxaa warbaahinta gudaha u sheegay Xalane.

Afhayeenka, ayaa sidoo kale shacabka ka codsaday inay u sahlaan baaritaanka ciidamada nabadgalyada isagoo ugu baaqay inay kaalin ka gaystaan xasilinta caasumadda Somalia ee Muqdishu.

Baaritaankan oo guri guri loo sameeynayay ayaa kusoo beegmay xilli uu soo kordhay weerada iyo dilalka qorshaysan ee ka dhacay magalada Xamar kaasi oo u dambeeyay Xildhibaan shalay lagu dhaawacay magalada Muqdishu oo amnigeeda labo loo kala qaybiyay qayb kamid ahna la siiyay maamulka gobolka Banaadir.

GAROWEONLINE

Related Articles

Kadib markii uu codeeyay, Xasan Sheekh oo ku baaqay wadahadal xilli uu jiro Khilaaf doorasho

Doorashadan maanta waa xilli taariikhi ah," ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in hirgelinta nidaamka hal qof.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 10:58AM

Al-Shabaab oo weli ah khatarta ugu weyn ee amniga Soomaaliya iyo Geeska Afrika 

In kasta oo dadaallo joogto ah oo ay wadaan ciidanka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah lagu xakameynayo howlgallada Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 07:45AM