Barlamanka Federaalka oo tageeray go'aanka hub ururinta

Image

Baarlamaanka DF ayaa taageeray go'aanka hubka sharci daradda ah looga arurinayo magalada Muqdisho kaasoo maalmihii lasoo dhaafay si wayn looga dareemayay xaafadaha magaladaasi.

In ka badan shan boqol oo qori iyo rasaastoodii ayay ciidanku kusoo qabteen dad gaar u haystay iyo goobo lagu qariyay waxana ka mid ah meelaha hubkan laga soo saaray guriga gudoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Daaci oo la sheegay inuu xiran yahay.

Qoraal kasoo baxay Baarlamaanka ayaa xukumadda Cabdiwali Shiikh Axmed looga codsaday inay hor keenaan sharciga lagu doonayo in lagu joojiyo hubka sharci daradda ah ee Muqdisho ku fidsan, waxaana uu u qoraa sidatan:

1- In xukuumaddu xaqiijiso sharciga la xisaabtanka laamaha amniga qaranka, si loo ilaaliyo sarraynta sharciga iyo xuquuqda aadanaha.

2- In hawl-gallada xakamaynta hubka ay ka wada shaqeeyaan laamaha amniga, xafiiska xeer Ilaaliyaha guud iyo laanta garsoorka dalka.

3- In deg-deg Baarlammaanka loogu soo gudbiyo hindise sharciyeedyada xakamaynta hubka iyo warbaahinta dalka, si loo ansixiyo.

4- In ciidammada dalka oo dhan la baro nidaamka ilaalinta xuquuqda aas-aasiga ah ee aadanaha,  iyo

5- Inay xukuumaddu dalka oo dhan gaarsiiso siyaasaddeeda xakameynta hubka.

Warsaxaahafeedka ayaa waxaa kaloo lagu sheegay, in guddoonka iyo guddiga joogtada ah ee Baarlammaanka Federaalka Soomaaliya ay Xildhibaannada qaranka ka codsanayaan in ay xukuumadda gacan ku siiyaan gudashada waajibaadkeeda qaran.

GAROWEONLINE

Related Articles

Fahfaahin: Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarka saakay ka dhacay Damaanyo, oo ah meel muhiim ah oo AS bartilmaameed u ahayd.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 08:31AM

Taliye Cabdiraxmaan Hujaale oo lagu dilay duleedka Moqokori ee gobolka Hiiraan

Tan iyo 2022, dhowr taliyayaal oo sare ayaa lagu dilay Koonfurta Soomaaliya, taasoo muujineysa xaaladda amni ee cakiran ee dalka.

  • Soomaliya

    17-05-2025

  • 03:17PM