Barlamanka Somalia oo qaraar ka keeney Kenya

Image

MUQDISHU: Kulan mudanayaasha Barlamanka Somalia ku yeesheen magalada Muqdishu gaar ahaan xarunta golaha shacabka ayaa looga hadlay arrimo kala duwan islamarkaana waxaa lagu qaybiyay qaraar ka dhan ah duqaymaha diyaarahada dagaalka Kenya ka wadaan gobolka Gedo Somalia.

Fadhiga Xildhibaanada oo 148 mudane islamarkaana shir gudoominayay gudoomiye ku-xigeenka labaad Mahad Cabdalla Cawad ayaa lagu cambaareeyay weerarka kasocda gobolka Gedo ee lagu waxyeeleeyay dad shacab ah iyo xoolahood, waxayna dowladda Kenya ka codsadeen inay si dhaqso ah u joojiso duqaymaha ay wado.

Barlamanka ayaa sidoo kale 30 bishan dalbaday inuu golaha shacabka horyimaado Ra'isal wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharmake, si wax looga weydiiyo arrinta Kenya ka wado qaybo kamid ah gobollada Somalia.

Warbixin ay Barlamanka Somalia ka hor akhriyeen guddi loo xilsaaray inay soo baaraan weerarka deegaanka ayaa lagu sheegay in kooxda Shabaab taageero siiyeen beel kamid ah ku dega gobolkaas, taasoo kooxda u sahashay inay dhulka dhigaan saldhiga Milatari ee ciidamada qaybta ka ah AMISOM.

Xaaladda qaybo ka mid ah gobolka Gedo ayaa laga soo dayrinayaa, waxaana kasocda barakac xooggan oo ay wadaan shacab xoola dhaqato u badan, kuwaas oo cabsi ka qaba duqamaymaha aan meel dayashada lahayn ee lala eeganayo dadka gobolkaas.

Ururka Al-shabaab ayaa weerar ku qaadey xero ciidamada Kenya kuwaasoo saldhig ku lahaa saldhig degaanka Ceelcad ee ku taal gobolka Gedo halkaasoo ku dileen tiro askar ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM