​Barlamanka Soomaaliya oo fasax galay iyo qodobo laga badlay Dastuurka

Image

MUQDISHU, Soomaaliya- Barlamanka dowladda Federalka Soomaliya, ayaa galay fasax ku saabsan ciida Soonfur ee fooda nagu soo haysa, kadib kulan ay ku yeesheen maalintii shalay magaalada Muqdishu caasumadda Soomaaliya.

Kulankaasi waxaa shir guddoominayay gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee Barlamanka Soomaaliya Jaylaani Nuur Ikar, waxaana looga doodayay qodobo la sheegay in laga badalayo Dastuurka Soomaliya, waxayna ahaayeen; qodobka 60-aad farqadiisa 1-aad iyo qodobka 136-aad farqadiisa 2-aad.

Labadaasi qodob ayaa la sheegay inay muhiim u yihiin qaranimada Soomaaliya, iyadoo caddaynaya in dalku yeesho Dastuur iyo Barlaman, waxaana in wax laga badalo u codeeyay 208, waxaa diiday 3 mudane iyadoo ay ka aamuseen 4 mudane.

Kooramka oo ay joogeen 2015 Xildhiabaan ayaa sidoo kale lagu sheegay inay Barlamanku fasax galayo maadama ay dhammeeyeen dhammaan doodista xeerarkii horyaallay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM