​Barlamanka Soomaliya oo kulan uga socdo Muqdishu

Image

MUQDISHU- Barlamanka Federalka Soomaaliya oo weli ku guda jira kalfadhigoodii 8-aad ayaa maanta ka doodaya qodobo dhawr ah sida uu warbaahinta gudaha u sheegay Hab-dhawraha Xildhibaanada dalka Maxamed Cumar.

Wuxuu sheegay inay maanta guda galin doodaan ka doodista ajandayaal horay u yaallay Barlamanka isagoo xusay inay qorshaynayaan qaabkii loo meelmarin lahaa xeerarkaasi.

Maxamed Cumar, ayaa xusay in ajandahooda maanta ku jiro qaabkii looga doodi lahaa qodobo kamid ah Dastuurka dalka, wuxuuna sheegay inay gabagabadiisa soo saari doonaan qaabka loo ansixiyay iyo waxyaabaha laga badalay.

Fadhigan, ayaa qayb ka ah kulamo maalmahan u socday Xildhibaanada Soomaaliya, kuwaas oo todobaadkan meelmariyay xeerar dhowr ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xildhibaano Soomaaliyeed oo laga qaadey xayiraad ka saarnayd EALA

Sidoo kale, dhaliilaha ayaa tilmaamay in Baarlamaanka Federaalka uu ka booday xeerarka magacaabista.

  • Soomaliya

    19-01-2026

  • 02:41PM

Xasan Sheekh oo wadahadal u bandhigay Somaliland, balse diiday gooni-isu-taag

Khudbad si adag u qornayd ayuu madaxweynuhu kaga digay faragelin shisheeye oo lagu sameeyo arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    19-01-2026

  • 08:21AM