Baydhabo: Gudoomiyaha Barlamanka DFS oo la kulmay Xidhibano

Image

Jimce, September 06,2014 [ GO]- Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia  Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa maanta magaalada Baydhabo si wadajir ah kulan ugula qaatay Xildhibaanno si kala gaar gaar ah u gaaray Baydhabo iyo Odayaasha Dhaqanka.

Waxaa la sheegayaa in kulamadaan looga hadlayay sidii loo dhameystiri lahaa maamulka dowlada Federaalka iyo beesha caalamka aqoonsadeen ee Koofur Galbeed oo ka kooban sadax gobal iyo sidii looga gudbi lahaa khilaafaadyada hada jira ee looga soo horjeedo maamulkaan.

Marka laga soo tago xubanaha Baarlamaanka, odoyaasha kulanka ka qayb galay waxay ahaayeen kuwo kala matalayay gobalada Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hooe oo la doonayo in maamulkaan loo sameeyo.

Qaar ka mid ah xubanaha Baarlamaanka iyo odoyaasha ayaa sheegay in loo baahanyahay wadahadal iyo waliba dib u heshiisiin la dhex-dhigo dhinacyada hada diidan maamulkaan iyo dadka doonaya in la hirgaliyo.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo markii ay kulammadaasi soo gebageboobeen la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dhammaan wadatashigaanu uu akala qaatay Xildhibaannada iyo Odayaasha Dhaqanka guul iyo is fahan kusoo idlaadeen islamarkaana xubnaha aqalka wakiilada hada dhankooda shaqada kasii wadi doonaan waxaana uu rajo ka muujiyey iney guul kusoo idlaadaan dadaallada ka socda magaalada Baydhabo.

Magaalada Baydhabo waxaa dhinac ka dagan siyaasiyiin uu hogaaminayo Madoobe Nuunow oo wali ku adkaysanaya maamul ka kooban Lix gobal in loo baahanyahay.

Dowlada Soomaaliya iyo beesha caalamka ayaa horay u taageeray maamulka Koofur Galbeed inuu noqdo mid ka kooban Sadax gobal maadaama heshhiiskii magaalada Addis-Ababa lagu dhidibada loogu aasey Jubbaland.

Garowe online, Xafiiska Muqdishu

Related Articles

Axmed Madoobe oo mar kale usoo gurmaday Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweynaha Jubaland ayaa la sheegay inuu xalay heshiis kale dhex-dhigay Xasan Sheekh iyo Laftagareen.

  • Soomaliya

    21-09-2024

  • 06:01AM

Golaha Wasiirada Jubaland oo ka shiray la dagaalanka kooxda AS

Wasaarada Amniga gudaha ayaa golaha la wadaagtay xogta howlgalada socda iyo khasaaraha.

  • Soomaliya

    19-09-2024

  • 01:40PM