Bayle oo ku gacanseyray in uu bixiyo lacag loogu deeqay dad shacab ah

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirka Maaliyada xukuumadda dhacday ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa si cad u diidey in uu bixiyo Nus Milyan Doolar oo loogu deeqay gurmadka fatahaadaha magaalada Afgooye.

Lacagtaas waxaa amar ku bixiyey bixinteeda ra'iisul wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Khayre, kadib qaylo-dhaanta ka timid madaxda Koonfur Galbeed oo cadaadis uu kasoo foodsaarey shacabka ay saameeyeen daadadka.

Isagoo shalay la hadlayey Golaha Shacabka baarlamaanka federaalka, Bayle ayaa si furan u sheegay in lacagtaas ay kaliya bixinayaan marka loosoo bandhigo hanaan daahfuran oo looga hortagayo in la musuqmaasuqo.

Mr Bayle oo ku doodey in muhiim ay tahay in la sameeyo guddi maareeya deeqdaas ayaa qariyey amar uga yimid Madaxtooyadda kaasoo ku saabsanaa in aan wax dakhli ah lagala bixi karin Khasnadda guud ee dowlada.

Amarkaas oo uu soo gaarsiiyey ra'iisul wasaare ku xigeenka ahna ku simaha ra'iisul wasaaraha ayaa yimid markii Aqalka Hoose uu riday xukuumaddii Khayre.

Khadiija Maxamed Diiriye, mudane ka tirsan Aqalka Hoose ahna wasiirka cayaaraha xukuumadda dhacday, ayaa ku dhaliishay wasiirka in uu ku gacan-sayro bixinta lacagtaas, iyaddoo ganafka ku dhufatay "marmarsiyadiisa".

"Wasaaradda Maareynta Gargaarka iyo Musiibooyinka maxaa loo sameeyay hadii aysan jirin meel la marsiiyo; wakiilada baarlamaanka iyo madaxda Koonfur Galbeed maxay qabanayaan?" ayay ka sheegtay fadhigii shalay.

Fatahaadaha ka dhacay degmadda Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa cagta marisey kumanaan guryo ah, waxaana ay barakaciyeen kumanaan kale oo shacab ah, kuwaas oo u baahan gurmad deg-deg ah oo dowladeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM