​Beesha Caalamka oo go'aan madaxweynaha Somalia soo dhaweysay

Image

MUQDISHU- Beesha caalamka ayaa ka hadashay ansixinta hannaanka doorashada Somalia ee lagu hishiiyay bishii April ee sannadkan, waxaana Qaramada Midoobay ay sheegtay inay ku diirsadeen go'aanka qeexaya in doorashadu dhacdo sannadkan 2016.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia Michael Keating, ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan tallaabada lagu ansixiyay qorshaha qeexaya habraaca doorashada, wuxuuna tilmaamay in caqabadaasi laga gudbay, balse wali jiraan arrimo taagan oo u baahan in qaabkii looga tallaabsan diiradda la saaro.

Diidmada Xildhibaanada ee qorshahan, ayaa wax laga weydiiyay Keating isagoo u waramayay VOA, wuxuuna sheegay inay xaq u leeyihiin afkaartooda, balse aysan meesha oollin in la carqaladeeyo hannaanka, isagoo xusay inaysan marnaba u dulqaadan doonin wixii ka hor imaanaya doorashada ee ay qaadi doonaan tallaabada ku haboon.

Keating, wuxuu sidoo kale sheegay inay diyaar u yihiin sidii loo taageeri lahaa doorashada Somalia ee 2016, wuxuuna meesha ka saaray inay faro galin ku lahaayeen hannaankan, isagoo iska fogeeyay inay farmuuqeen labada aqal tirada laga dhigi doono, wuxuuna tilmaamay in arrintaasi ahayd qorshe Somalida u taallay.

Halista Al Shabaab, ayuu ka hadlay, wuxuuna sheegay inay garwaaqsanyihiin oo ay ogyihiin inay wali dhibaato ku yihiin hannaanka xasilinta Somalia, balse wuxuu usoo jeediyay inay taasi looga gudbi karo in la iska kaashato nabad galyada waddanka iyo wadashaqayn dhexmarta waxgaradka iyo ciidamada nabad ilaalinta u jooga Somalia ee qaybta ka yihiin kuwa xoogga dalka Somalia.

Hadalkan, ayaa kusoo beegmay xilli shalay 22 May, madaxweynaha Somalia xeer ku ansixiyay hannaanka doorashada oo muddo lagu murasanaa kadib markii la horgeeyay Barlamanka oo sheegay inay wax kabadal ku samayn doonaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Kadib markii uu codeeyay, Xasan Sheekh oo ku baaqay wadahadal xilli uu jiro Khilaaf doorasho

Doorashadan maanta waa xilli taariikhi ah," ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in hirgelinta nidaamka hal qof.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 10:58AM

Al-Shabaab oo weli ah khatarta ugu weyn ee amniga Soomaaliya iyo Geeska Afrika 

In kasta oo dadaallo joogto ah oo ay wadaan ciidanka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah lagu xakameynayo howlgallada Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 07:45AM