Beesha Caalamka oo ka walaacsan Khilaafka Madaxda Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladaha Beesha caalamka ayaa war qoraal oo ay soo saareen ku sheegay inay ka walaacsan yihiin Xisadda Siyaasadeed ee ka dhex aloosan hay'adaha dowladda Federaalka Soomaaliya.

War Saxaafadeedka oo kasoo baxay QM, Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD, Itoobiya, Talyaaniga, Sweden, Ingiriiska, Mareykanka ayaa loogu baaqay Madaxda sare ee dowladda in la xaliyo khilaafka jira.

Waxay ugu baaqeen hogaamiyaasha dalka iyo Siyaasiyiinta inay dhowraan sharciga iyo Dastuurka Federaalka ee KMG ah, islamarkaana wadahadal lagu dhameeyo xiisadda siyaasadeed ee taagan.

Beesha Caalamka ayaa hoosta ka xariiqday in Khilaafka soo cusboonaaday uu dhabar-jab ku noqonayo guulaha laga gaarey dhinacyada Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Amaanka, sidoo kalena uu dhaawacayo sumcada Soomaaliya.

"Waxyaabaha sare u qaadi kara Xiisadaha siyaasaadeed ee taagan, islamarkaana horseedi kara qalalaase inuu dhaco waa in laga fogaadaa," ayaa lagu yiri War Saxaafadeedka Beesha Caalamka.

Beesha Caalamka waxay ku boorisay Gollaha Shacabka iyo Xukuumadda inay wadahadlaan maalmaha soo aadan, kuna dhameeyaan khilaafaadka siyaasadeed ee u dhaxeeya qaab nabdoon oo Dastuurka waafaqsan.

Ugu dambeyn, qoraalka ayaa lagu sheegay in Beesha Caalamka ay bogaadinayso Kooxaha iyo Shaqsiyaadka dhex-dhexaadinaya dhinacyada is-haya, ee khilaafka uu u dhaxeeyo.

Baaqa Beesha Caalamka ayaa kusoo beegmaya xilli Mooshinka kalsooni kala noqosho ee laga soo gudbiyey Gudoomiyaha Gollaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari la filayo in saacadaha soo socdo laga doodo.

Jawaari ayaa ku eedeeyay Xukuumadda inay duulaan kusoo qaaday Hay'adda Sharci dejinta dalka [Baarlamaanka] islamarkaana ay gadaal ka riixayso Mooshinka isaga laga keenay, kaasi oo saxiixiyaashiisa ay ku jiraan Wasiiro iyo ku xigeenno.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pakistan iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga difaaca iyo amniga

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa uga mahadceliyay Pakistan taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 02:28PM

Sheekh Shariif: Ciidamada Qaranka waxaa laga weeciyay dagaalka Al-Shabaab

Khamiistii, ciidamada Puntland ayaa la wareegay saldhig ku yaalla Boosaaso oo ay hore u deganaayeen ciidamo hore loogu yiqiin PSF.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 06:50AM