Beesha Caalamka oo loo diray baaq ku aadan doorashooyinka 2020-21

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xisbi siyaasadeedka Wadajir ayaa wuxuu ugu baaqay Beesha Caalamka in ay garab-siiyaan nooca doorasho ee Soomaalida ku heshiiso in ay ku galaan coddeynta loo qorsheeyay 2020-21.

Hadalka xisbigaan uu hogaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kusoo hagaagaya xilli maamulada waddanka ay isku raaceen in doorashada soo aadan aysan noqon karin qof iyo cod ah.

Dowlad goboleedyadda ayaa ku baaqay hanaan la isla ogol yahay oo ku timaada wadatashi kuna qabsoomi karta mudada ka hartay muddo xileedka hay'addaha dastuuriga ah ee dowlada federaalka.

Wadajir Party oo soo dhaweeyay go'aanka madaxda maamulada ku shiray Dhuusamareeb ayaa hogaanka dalka ku booriyay in ay taageeraan isla markaana ay qayb ka noqdaan xalka mar-xalada kala guurka.

"Waxaan ugu baaqeynaa Beesha Caalamka in ay garab-siiyaan nooca doorasho (model) ee Soomaalida ku heshiiyaan si dalka looga badbaadiyo firaaq dastuuri ah, qalalaase amni iyo xasilooni darro siyaasadeed," ayuu raaciyey.

Wakiilada saaxiibada caalamka ayaa lagu waramay in ay dhexdooda ka jirto kala qeybsanaan isla markaana qeybtooda ay muddo kordhin la raadinayaan hogaanka dowladda haatan jirta, wallow aad looga digay.

Ra'iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa qiray in muddo kordhinta ay horseedi karto qalalaaso dastuuri ah, mid amni iyo xasilooni darro, isagoo adkeeyay in doorashadda aysan dib uga dhicin xilliga loo qorsheeyay.

Bayaanka xisbiga Wadajir

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM