Beesha Caalamka oo qaylo-dhaan kasoo saartay doorashada

Image
Dhawaqan aya kusoo aadaya xilli la filayo in dhowaan ay bilaabatay coddeynta xubnaha Aqalka Hoose.

MUQDISHO, Soomaaliya - Saaxiibbada Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan dhammeystirka doorashada Aqalka Sare ee Soomaaliya, hase yeeshee ay walaac ka muujinayaan dib u dhaca ku yimid jadwalka doorashada.

War-saxaafadeed kasoo baxay saaxiibada ayaa lagu yiri “Saaxiibbada Caalamiga ahi waxa ay weli si weyn uga walaacsan yihiin jadwalka doorasho ee uu dib-u-dhaca weyn ku yimid waxa ayna ku boorrinayaan hoggaanka Soomaalida, ee dhammaan heerarka dowladda, in ay si deg deg ah u bilaabaan una dhammeystiraan geeddi-socodka doorashada ee kuraasta Golaha Shacabka.”

War-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray “Waxa aan xusuuusan nahay in dhaqaale ku filan, oo ay qeyb ahaan bixineyso beesha caalamka, durbaba la heli karo si loo dhammeystiro qeyb weyn oo ka mida doorashooyinka Golaha Shacabka.”

Saaxiibbada Caalamiga ah ee Soomaaliya waxay ku baaqeen in doorashooyinka ay noqdaan kuwa lagu kalsoonaan karo, loo dhan yahay, wakhtigoodana ku qabsooma.

“Waxa aan si adag ugu boorrineynaa hoggaamiyeyaasha Soomaalida iyo Guddiyada Hirgelinta Doorashada ee Heer Dowlad Goboleed in, si waafaqsan heshiisyadii 17ka Sebteembar iyo 27 ka Maajo, ay hubiyaan in qoondada haweenka ee ugu yaraan boqolkiba 30 la siiyo xubnaha haweenka ee baarlamaanka iyada oo loo marayo hannaan cad,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Saaxiibbada Caalamiga ah waxa ay markale carrabka ku adkeynayaan walaacooda xooggan ee ah in mar walba oo uu dib-u-dhaca doorashadu daba dheeraado ay ka dhigan tahay in in badan oo wakhti iyo dhaqaale ah laga weecin doono hortebinnada muhiimka ah ee qaranka, sida ka jawaabista xaaladaha beni’aadanimo ee abaaraha, dowlad-dhiska iyo xaqiijinta amniga, kuwaas oo muhim u ah xasilloonida guud ee Soomaaliya iyo daryeelka dadkeeda.”

War-saxaafadeedka ayaa waxaa si wadajir ah usoo saaray: Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Ruushka, Sacuudiga, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Farmaajo: Xasan Sheekh wuxuu si ula kac ah ugu tuntay Dastuurka Soomaaliya

Farmaajo ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku kacay falal ka hor imaanaya dastuurka.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 09:45AM

Jubaland: Xisbiga Xasan Sheekh wuxuu Khatar Gelinayaa Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya

Waxay sidoo kale ugu baaqday beesha caalamka iyo saaxiibada caalamiga ah inay si dhab ah u taageeraan shacabka Soomaaliyeed.

  • Soomaliya

    15-05-2025

  • 09:32AM