Beesha caalamka oo tageertey go'aankii Xasan Shiikh

Image

Wararka aan Ka heleyno Muqdishu ayaa sheegaya in xubnaha beesha caalamka la kulmeen madaxda dowlada qaybta ka ah Federaalka Somalia lana socodsiiyeen iney tageeraan go'aanka madaxweyne Xasan Shiikh.

Kulankaan oo uu goob  joog ahaa madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa wararka aan heleyno sheegayaan in waftiga Puntland diideen soo jeedinta xubnihii Ka socdey beesha caalamka.

Go'aanka beesha caalamka ayaa imaanaya xilli madaxweynaha Somalila u duuley maanta wadanka Kenya halkaas kaga qayb galayo baroordiiq loo sameynayo ciidamada Kenya ee lagu weerarey degaanka Ceelcad Somalia.

Dhinaca kale Ra'isal wasaaraha Somalia ayaa kulan degdeg ah isugu yeeray golaha wasiirada iyadoo la filayo in lagaga hadlo Arimaha soo kordhey.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in go'aan xukuumada Somalia isku raacdey laga dhigo doono hadalkii madaxweyne Xasan Shiikh Ka jeediyey kulankii Jimacaha 25 Jan,2016 kasoo lagu kala kacey.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM