Beesha Caalamka oo walaac ka muujisay daahida doorashada

Image
Diblumaasiyiinta fadhigoodu yahay Muqdisho ayaa fariin u diray hogaamiyeyaasha Soomaalida.

MUQDISHO, Soomaaliya - Beesha Caalamka oo walwal badan ka muujisay dib-u-dhaca doorashooyinka Soomaaliya ayaa ku baaqdey in deg-deg loo dhaqan-geliyo heshiisyadda 17-kii September iyo 27-dii May, 2021-ka.

Hogaamiyeyaasha Soomaalida gaar ahaan madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey Farmaajo iyo ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble ayay ku tartarsiiyeen in ay fuliyaan heshiisyadaas.

"Saaxiibada beesha caalamka waxay aad uga walaacsanyihiin dib-u-dhaca kusii socda geedi-socodka doorashada Soomaaliya. Inkastoo billowga dhowaan la billaabay doorashada Golaha Shacabka ay ahayd horumar wanaagsan, ayaa haddana jadwalka doorashada wuxuu si aad ah uga dib dhacay waqtigii loogu talagalay, waxaana loo baahan yahay in la dardargeliyo," ayay sheegeen.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Waxaan ku boorrinaynaa madaxda heer qaran iyo kuwa Dowlad Goboleedyada iyo hay’adaha daadihiya doorashada inay si dhakhso leh ugu dhaqaaqaan dhameystirka doorasho loo dhanyahay laguna kalsoonaan karo ee Golaha Shacabka ka-hor dhamaadka 2021ka, iyadoo la ixtiraamayo qoondada haweenka ee ugu yaraan 30 boqolkiiiba".

"Waxaan sidoo kale ugu baaqaynaa maamulka Galmudug in uu soo doorto labada kursi ee harsan si loo dhameystiro geedi-socodka doorashada Aqalka Sare," ayay diblumaasiyiintu tibaaxeen.

Wakiiladda ayaa xusay "Saaxiibada caalamku waxay ogsoonyihiin ku-dhowaaqistii dhowaan lagu dhawaaqay in xal laga gaaray khilaafkii u dhaxeeyay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha".

"Waxaan ugu baaqaynaa labada hogaamiye inay si degdeg ah u fuliyaan qodobbada lagu heshiiyay, oo ay diiradda saaraan arrimaha mudnaanta u leh qaranka, gaar ahaan dhammaystirka geedi-socodka doorashada," ayay qoreen.

Safiiradda ayaa kusoo gabagabeeyay: "Saaxiibada caalamku waxay mar kale ku baaqayaan in si buuxdo oo dhakhso ah loo fuliyo heshiisyadii 17kii Sebtembar 2020kii iyo 27kii Maajo 2021-ka".

Dhawaqa diblumaasiyiinta ayaa kusoo aadaya xilli doorashooyinka Aqalka Hoose ay bilaabatay todobaadkii hore wallow muran uu ka taagan yahay kursi kamid ah laba xubnood oo lagu doortey magaaladda Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dadaallada Dhexdhexaadinta Turkiga ee Khilaafka doorashadda Soomaaliya oo Wajahaya Dib-u-dhac iyo Cadaadis Caalami ah

Khilaafkaasi ayaa sababay in dhexdhexaadiyeyaasha Turkiga ee ku lugta leh hawsha ay ka fiirsadaan inay dib ugu laabtaan magaalada Ankara.

  • Soomaliya

    09-06-2026

  • 07:53PM

"11 saacadood ayaa la i weydiinayay su'aalo" – Cumar Cartan

Wuxuu intaas ku daray inuu tusay saraakiisha waraaqihii rasmiga ahaa ee horyaalka FIFA iyo sawirrada taariikhda garsoorenimo ee uu leeyahay.

  • Soomaliya

    09-06-2026

  • 06:37PM