Beledwayne oo kala xiran

Image

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Magaalada Beledwayne ee xarunta gobalka Hiiraan dhawaana looga dhawaaqay maamulka Hiiraan state ayaa maanta waxaa taagnaa isu socodka bariga iyo galbeedka.

Buundada Liiq-liiqato oo ah mida xiriirisa bariga iyo galbeedka magaalada ayaa lagu gooyay biraha iyada oo la qafulay tan ayaana ka dhalatay Qarixii dhawaan halkaasi ka dhacay.

Labadaan dhinac oo ay u kala badan yihiin Beelaha Xawaadle iyo Gaaljecel ayaan iyagu marna heshiis ku ahayn gulufka ka dhanka Kooxaha dowladnimada kasoo horjeeda.

Beelaha Xawaadle ayaa ahaa kuwa macawiisleydoodu ay hogaanka u ahaayeen bilawga wajiga koowaad ee dagaalka iyada oo dhawaana ciidamo uu hogaaminayo Cali Jeyte Cusmaan ay gaareen Dhuusamareeb.

Xiritaanka Buundada ayaa saamayn xoog leh ku yeeshay isu socodka magaalada iyada oo labada dhinac ay isku tiirsanaayeen.

Haweenka gobalka ayaa dhawaan Qaylo-Dhaan ka muujiyay Qarixii magaaladaas ka dhacay iyaga oo sheegay in la yaqaan halka uu soo maray laakiin ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka.

Dagaalka kooxahaas iyo gulufka ka dhanka ah ayaa keenay in la adkeeyo isu socodka si looga hortago weerarada iyo waxyeelada rayidka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM

Madaxweynaha Somaliland oo booqasho uga billaabatay Israel

Kulankaas ka dib, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa furi doono safaaradda Somaliland ee magaalada Qudus maalinta berri ah.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 08:15AM