Beyle oo difaacay Canshuurta keentay inuu xirmo Suuqa Bakaaraha

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle, ayaa ka hadlay Canshuurta cusub ee dhalisay inuu xirmo Suuqa Bakaaro.

Wareysi uu siiyay VOA, ayuu Beylo ku sheegay in canshuurta laga cabanayo aysan ahayn mid cusub oo lasoo kordhiyay, balse ay kamid tahay canshuurihii horey loo qaadi jiray, ee ku qoran Dastuurka dalka.

Beyle ayaa tilmaamay in qaadista canshuurta iibka ee Alaabooyinka Jumlada ah ay tahay [5%], taasi oo la saaray Badeecooyinka ka baxsan quutul-daruuriga, sida Sonkorta, Burka, Bariiska, Burka iyo Saliidda.

Wuxuu tilmaamay Wasiirka in Canshuurta iibka ee billaabatay billowgii bishan February ay tahay mid aad ugu yar kuwa laga qaado dalalka caalamka, islamarkaana ay u qaadayaan hab xaal-mastuur ah.

Wasiirka ayaa xusay in qaadista Canshuuraha ay muhiim u tahay shaqada dawladda iyo inay bixiso mushaharaadka shaqaalaheeda iyo ciidamada iyo inay sidoo kale guddo deynta lagu leeyahay dalka.

Mar la waydiiyay sababta dowladda Canshuurta ay ugu koobtay Muqdisho oo kaliya, ayuu ku jawaabay: Ganacsatada waxay xaq u leeyihiin inay yiraahdaan canshuuraha ha la mideeyo, diyaar baana u nahay, waxaana qabanaynaa shir 25-ka bishan oo mideynta canshuuraha dalka looga hadlayo."

Beyle ayaa ugu baaqay Ganacsatada inay bixiyaan canshuurta ku waajibtay, isagoo u sheegay in dowladda ay abaal ugu hayso hadii ay bixiyaan afar meelood meel canshuuraha ay siiyaan dalalka deriska ah marka ay badeecooyinkooda geeyaan.

"Walaaliyaalow hadii aad na siisaan rubac dhig canshuurta aad siisaan dowladaha dalalka dibadda, wallahi abaal baan ku qabaynaa," ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda dowlada Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle.

Wasiirka Maaliyadda waxa uu carabka ku adkeeyay in canshuurta laga doonayo Ganacsatada ay tahay mid waajib dawli ah oo ku qoran sharciyada waddanka, taasi oo la'aanteed dowladda aysan shaqeyn karin.

Canshuurta iibka ayaa waxaa ka ka hor-yimid ganacsatada Muqdisho, oo ku dooday inay badan tahay, waxayna sameeyeen shaqo joojin iyaga oo xiray Suuqa Bakaaraha mudo labo maalmood ah todobaadkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Janan oo ku eedeysan dembiyo culus oo DF u xil-saartey fulinta qorshaheeda Gedo

Gedo ayaa ah barta khilaafka, waxaana dowladda federaalku u aragtaa meel istaraatiiji ah oo lagama maarmaan u ah hirgelinta ajandaha siyaasadeed ee Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 08:06PM

Al-Shabaab oo Ku Guuleystay Dib U Qabsashada Deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay si isdaba joog ah u wadaysay olole dagaal oo ay ku doonayaan.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:53AM