Beyle oo difaacay Canshuurta keentay inuu xirmo Suuqa Bakaaraha

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle, ayaa ka hadlay Canshuurta cusub ee dhalisay inuu xirmo Suuqa Bakaaro.

Wareysi uu siiyay VOA, ayuu Beylo ku sheegay in canshuurta laga cabanayo aysan ahayn mid cusub oo lasoo kordhiyay, balse ay kamid tahay canshuurihii horey loo qaadi jiray, ee ku qoran Dastuurka dalka.

Beyle ayaa tilmaamay in qaadista canshuurta iibka ee Alaabooyinka Jumlada ah ay tahay [5%], taasi oo la saaray Badeecooyinka ka baxsan quutul-daruuriga, sida Sonkorta, Burka, Bariiska, Burka iyo Saliidda.

Wuxuu tilmaamay Wasiirka in Canshuurta iibka ee billaabatay billowgii bishan February ay tahay mid aad ugu yar kuwa laga qaado dalalka caalamka, islamarkaana ay u qaadayaan hab xaal-mastuur ah.

Wasiirka ayaa xusay in qaadista Canshuuraha ay muhiim u tahay shaqada dawladda iyo inay bixiso mushaharaadka shaqaalaheeda iyo ciidamada iyo inay sidoo kale guddo deynta lagu leeyahay dalka.

Mar la waydiiyay sababta dowladda Canshuurta ay ugu koobtay Muqdisho oo kaliya, ayuu ku jawaabay: Ganacsatada waxay xaq u leeyihiin inay yiraahdaan canshuuraha ha la mideeyo, diyaar baana u nahay, waxaana qabanaynaa shir 25-ka bishan oo mideynta canshuuraha dalka looga hadlayo."

Beyle ayaa ugu baaqay Ganacsatada inay bixiyaan canshuurta ku waajibtay, isagoo u sheegay in dowladda ay abaal ugu hayso hadii ay bixiyaan afar meelood meel canshuuraha ay siiyaan dalalka deriska ah marka ay badeecooyinkooda geeyaan.

"Walaaliyaalow hadii aad na siisaan rubac dhig canshuurta aad siisaan dowladaha dalalka dibadda, wallahi abaal baan ku qabaynaa," ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda dowlada Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle.

Wasiirka Maaliyadda waxa uu carabka ku adkeeyay in canshuurta laga doonayo Ganacsatada ay tahay mid waajib dawli ah oo ku qoran sharciyada waddanka, taasi oo la'aanteed dowladda aysan shaqeyn karin.

Canshuurta iibka ayaa waxaa ka ka hor-yimid ganacsatada Muqdisho, oo ku dooday inay badan tahay, waxayna sameeyeen shaqo joojin iyaga oo xiray Suuqa Bakaaraha mudo labo maalmood ah todobaadkan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM