Beyle oo Shir looga hadlayo Maaliyadda ka furay Kismaayo [Sawirro]

Image
Image
Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Shirka looga hadlayo arrimaha maaliyadda ayaa maanta oo Talaado ah waxa uu ka furmay magaalada Kismaayo, ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland.

Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle, Wasiirka maaliyadda Xukuumadda Federaalka ayaa daah-furay Shirkan, oo ay ka qeybagalaayan Wasiiradda maaliyadda dowlad goboleedyada dalka.

Ajandaha kulanka ka furmay Kismaayo ayaa ah sidii loo midayn lahaa qaabka maaliyadeed ee dalka iyo canshuuraha ay qaadaan maamullada iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dr Beyle ayaa wado qorshe sare loogu qaadayo dhaqaalaha dalka, isagoo wadashaqeyn kala sameynaya Wasaaradaha maaliyada dowlad goboleedyada, oo qaarkood wali lahayn ilo dhaqaale oo shaqeeya.

Miisaaniyadda 2018-ka ee dowladda Federaalka oo soo diyaariyay Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa waxaa amaanay Hay'adda Lacagta Adduunka ee IMF oo sheegtay inuu buuxiyay shuruudaha caalamiga.

IMF ayaa sheegtay in Miisaaniyadda cusub ee dhawaan Gollaha Shacabka meelmariyeen oo gaaraysa $274 Milyan ay ku badan tahay deeqaha dibadda ay ka hesho Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa lagu leeyahay mudo 25 sano ah deymo lacag dhan 5.2 Billion taasi oo kahor istaagaytay inuu deymo kale ka helo IMF, iyo in loo ogolaado maalgelin dhaqaale oo ka yimaada hay'adaha caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM