​Boliiska Somalia oo aan haysan agab ku filan

Image

MUQDISHU- Taliyaha ciidanka Boliiska Somalia Sareeyo Guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa ka hadlay marxaladda ciidamada Boliiska Somaliyeed isagoo sheegay inay jiraan dhibaato xooggan oo ka hortaagan shaqooyinkooda.

Xaamud, ayaa xusay inay jiraan ciidamo badan oo loo tababaray, balse aysan howlgali karin sabab uu ku tilmaamay agab la'aan isagoo beesha caalamka ku dhaliilay inaysan eegin baahinta ciidamada Boliiska.

Taliyaha oo la hadlay Wargays lagu magacaabo The Star, ayaa xusay inay ku howl galaan marxalad adag oo u baahan caawimaad dag dag ah, wuxuuna intaasi raaciyay inay wax ka badali doonaan amniga hadii la qalabeeyo.

"Runtii ciidamo badan oo tababaran waan haysanaa, balse dhibaatadu waxa weeye ma heli karaan agab ku filan," Sidaasi waxaa lagu yiri hadal taliyaha laga soo xigtay.

Gen. Xaamud ayaa talo kusoo jeediyay in mudnaanta la siiyo ciidamada Boliiska islamarkaana la siiyo agab ku filan.

Hadalkan, ayaa kusoo beegmaya xilli dalka Somalia ka socdaan dhibaatooyin kala duwan gaar ahaan falal inta badan ka dhacay caasumadda Somalia, waxaana doorkii laamaha Boliiska inta badan qaatay AMISOM iyo ciidamo mileteri ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo warka soo saartay Xaaladda Soomaaliya

Goluhu wuxuu ansixiyey Siyaasadda daboolida kharashaadka Adeegyada Caafimaadka - oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaraadda Caafimaadka.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 11:58AM

Villa Somalia oo go'aan ka gaartay qofka noqonaya Madaxweynaha xiga ee Koonfur Galbeed

Heshiiskan cusub ayaa loo arkaa mid si weyn u beddeli doona jihada siyaasadeed iyo nabadgelyo ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 05:04AM