Booliska Soomaaliya oo digniin u diray dad dagan dhul dan guud ah

Image
Mudadaas uu talisku sheegay ayaa waxay ku egtahay labo bilood oo loo qabtay shacabkan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska Booliska Soomaaliya ayaa xasuusiyey dadka wali dagan daarta dhulkii Dab-damiska iyo Hoggaanka Dhismaha Boliiska ee kasoo horjeeda daarta Say-Biyaano in ay ku guuraan illaa 25 Jan 2024.

Mudadaas uu talisku sheegay ayaa waxay ku egtahay labo bilood oo loo qabtay shacabkan wallow aanan la siinin meel ay badal ka dhigtaan si ay ugu guuraan ama dagaan uga dhigtaan.

Warka qoraalka ah ee kasoo baxay booliska ayaa waxaa lagu caddeeyay in talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cid walba oo aan u hogaansamin amarka laamah aammaanka.

"Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, wuxuu ku xasuusinayaa Ummadda Soomaaliyeed ee dagan Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, gaar ahaan dhulkii Dab-damiska iyo Hoggaanka Dhismaha Boliiska ee ka soo horjeeda daarta Say-Biyaano (6 Piano) kuna dhagan Siliga Amerikanka ilaa Isbitaal Banaadir, in waqtii loo qabtay uu gabagabo yahay 25 Jan 2024 ay ku egtahay mudadii 2 bilood ahayd ee loo qabtay," ayaa lagu bilaabay qoraalka.

War-saxaafadeedka ayaa waxa uu intaas kusii daray: "Hadaba, cidii ka dhaga adeygta, markii la gaaro waqtiga loo qabtay, waxaa laga qaadi doonaa talaabo sharciga waafaqsan".

Soomaaliya ayaa kamid ah wadamadda goobaha ay dowladdu leedahay ay wali dagan yihiin dad shacab ah kuwaas oo dhulkaas maciin-biday maadaama aysan awood u lahayn in ay iska bixiyaan kirada guriyaha caadiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Garsoore Cumar Cartan Kaddib Eedeymo Argagixiso oo Maraykanku u Jeediyay

Tani waa arrin gooni ah, mana dhaawici doonto xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka.

  • Soomaliya

    13-06-2026

  • 01:23PM

Xasan Sheekh: Aqoonsigii Israa’iil ee Somaliland waa mid kamid ah maalmaha ugu madow taariikhda Soomaaliya

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Soomaaliya ay weli taageersan tahay xalka laba dowladood ee arrinta Falastiin.

  • Soomaliya

    13-06-2026

  • 09:07AM