Booliska Soomaaliya oo shaaca ka qaaday cidda ka dambeysay dabkii ka kacay suuqa Bakaaraha

Image
Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa ka warbixiyay dhacdadan.

Muqdisho, Soomaaliya - Booliska Soomaaliya ayaa Howlgallo qorsheysan oo ay xalay ka sameeyeen magaalada Muqdisho gacanta ku soo dhigay tiro gaaraya 140 hoobiye, kuwaas oo lagu soo bandhigay Saldhigga Booliska ee degmada Dayniile.

Howlgalkan ayaa yimid ka dib markii magaalada Muqdisho lagu soo weeraray dhwor hoobiye oo lagu ekeeyay xarumo dowladeed kaasoo ay mas’uuliyadiisu qaadatay kooxda “AS”.

Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed G/sare Qaasim Axmed Rooble oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa ka warbixiyay howlgalladan, wuxuuna sheegay in madaaficda laga soo saaray godad ay kooxdu ku qarisay.

Afhayeenka ayaa sheegay in dabkii maanta ka kacay qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha ay ka danbeeyeen kooxda AS, kaasi oo sababay dhimashada hal qof iyo burbur hantiyeed.

Kooxda AS ayaa bartilmaameed ka dhigata qaar ka mid ah goobaha lagu iibiyo qalabka Elektarooniga ah ee Suuqa Bakaaraha, waxaana dhowaan qarax ay ku dileen 13 qof.

GAROWE ONLINE

Related Articles

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM

Uganda oo xiriirka difaaca u jartay Türkiye, malaayiin dollarna ku waayi karta Soomaaliya

Arrintan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan sida loo maalgelin doono howlgalka iyo in dalalka ciidamadooda ku sugan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 06:03AM