Booliska Soomaaliya oo soo qabtay shabakad dil u geysatay Askari

Image
Falkaan ayaa ka dhacay deegaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho.

Muqdisho, Soomaaliya - Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay shabakad ka koobneyd 4 dhalinyaro ah oo dilay Marxuum Xasan Cabdiqaadir Ibraahim oo ka tirsanaa Ciidamka Xoogga Dalka.

Ciidamada Booliska Soomaaliya oo dabagal ku sameeyay falkan waxa ay gacanta ku dhigeen Shabakaddaan iyaga oo sida Labo Bastoolad oo lagu dilay marxuumka.

Qoraal ka soo baxay Booliiiska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Caddeymahan gacanta lagu haayo isla markaana lala wadaagi doono maxkamadda markii la horgeeyo.

Falkaan ayaa ka dhacay deegaanka Garasbaaley, waxaana iska kaashaday soo qabashada afarta qof ciidamada Nabad Suggida, Booliska Militariga iyo Booliska Soomaaliya.

Falalkan noocaan ayaa ku soo badanaya Nawaaxiga magaalada Muqdisho, oo looga cabanaaayo amni xumo xilli ay kooxda AS si joogta ah uga fuliso weeraro lagu beegsanayo goobaha ay ku sugan yihiin Ciidamada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo aqbalay ka-qaybgalka madasha wadahadalka qaran ee Muqdisho

Khilaafaad siyaasadeed iyo kuwo dastuur oo sii xoogeysanaya, kana taagan dhismaha dowladnimada iyo hab-maamulka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 12:16PM

Golaha Shacabka Oo Ansixiyay Hindise Sharciyeedka Macdanta Soomaaliya

Qeybsiga iyo maamulka Khayraadka dalka ayaa ah mid wali aan heshiis lagu ahayn, oo dowladda iyo Maamulada Federaalka.

  • Soomaliya

    24-01-2026

  • 09:32AM