Boqolaal dhalinyaro ah oo lagu qabtay Howlgal ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada Xasilinta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa boqolaal dhalinyarro ah ku qabtay howgal ay ka fuliyeen Xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho.

Howlgalka ayaa ahaa mid ballaaran oo billowday xalay saqdii dhexe, islamarkaana socday illaa saaka kadib salaadii subax, waxaana Ciidamada ay bartilmaameedsadeen xaafadaha Siigaale iyo Soona-Kay oo katirsan degmada Hodon.

Dhalinyarada ayaa laga soo baxay guryahooda oo loogu galay xilli ay hurdayeen xalay, iyadoo la isagu geeyay meel banaan ah, halkaas oo lagu kala saarey, oo qaar badan oo kamid ah lasoo daayay markii dambe, iyadoo kuwa kale la dhigay xabsiga.

Holwgalkan ayaa ka dambeeyay kadib markii shalay lagu dilay degmada Hodon nin la sheegay inuu ahaa gudoomiye waaxeed kaasi oo Koox hubaysan ku toogteen meel uu fadhiyay oo ku taalla inta u dhaxaysa Isgoysyada Shaqaalaha iyo KPP.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM