Boqolaal Soomaali ah oo "si safmar ah" loogu xiray Zambia

Image
Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa rumeysan in dadkaas loo bartilmaameedsadey "hab isir ah".

LUSAKA, Zambia - Booliska Zambia ayaa xabsi dhigeen boqolaal Soomaaliya waxyar kadib markii laga soo baxay Salaadda Jimcaha, sida ay xaqiijiyeen mas'uuliyiinta Jaaliyadda Soomaalida.

Qoraal kasoo baxay Jaaliyadda oo lagu cambaareeyay dhacdadaas ayaa lagu in aan loo sheegin sababta loo beegsadey dadkaas oo u badan ganacsato iyo arday wax barasho u joogta dalkaas.

"Raafka wuxuu ka dhacay xaafada ay Soomaalida ku badan tahay ee magaalada Ndola. Dadka la xiray badankooda waxay siteen sharciyo. Markii aan saldhiga tagnay wax fahfaahin na looma sheegin. Laakiin, dadaal badan oo aan sameynay waxaa lasoo daayey dadkii watay sharciyada qaar yar baa ku harsan," ayuu yiri mas'uul u hadlay Jaaliyadda.

Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo war-saxaafadeed soo saartey ayaa dhacdadaas waxay ku qeexdey "xarig safmar ah" iyadda oo intaas ku dartey in beegsiga uu yahay "hab isir ah".

Sida laga soo xigtey qoraalka oo lagu faafiyey ciwaanka Facebook-ga ee wasaaradda, Soomaaliya waxay ku howlan tahay in ay hesho caddeymo iyo xalinta "arrintan aadka looga xumaaday".

"Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa waxa ay si dhow ula socotaa warbixinnada sheegaya xarig wadareed lagula dhaqaaqay dad Soomaali ah oo ku nool magaalada Ndola ee dalka Zambia oo loo beegsaday hab isir ah, iyadoo aan loo eegin dhalsho ahaan, waa arrin walaac dhalisay, waxa ayna xilligan ku howlantahay sidii cadeymo uga heli lahayd Dowladda Zambia, loona xalin lahaa si degdeg ah arrintan aadka looga xumaaday," ayay tiri.

Soomaalida ayaa la sheegaa in ay ku nool yihiin Zambia wax ka badan 60-sano. Ganacsiyada ugu waaweyn oo ay ka shaqeeyaan waxaa kamid ah kaxeynta baabuurta raaxadda iyo shirkadaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM