Britain oo wadanka Soomaliya ciidamo geysay

Image

Koox hordhac ah oo ka tirsan ciidamo British ah ayaa la sheagayaa in la geeyey dalka soomaliya.

Ciidankan ayaa taageeri doona howgalka AMISOM ee Qaramada Midoobay ay taageerayso. 

10 askeri ayaa gaartay Muqdisho, waxaana xigi doono, 70 kale sida ay dowlada Britain sheegtay.

Waxay AMSIOM ka caawin doonaan dhinaca caafimaadka, iyo taagero dhinca loojistikada ee loo baahan yahay Xoghayaha gaashandhiga ee Britain Micheal fallon ayaa sheegaya in ciidamadab Britain ka socda ay ka caawin doonaan howgalka soomaliya.

Waxay sidoo kale gacan ka gaysan doonaan deganaanta dalka Soomaliya iyo dagaalka lagula jiro xagjiriinta  Soomaliya waxaa ka howgalo ciidamo Afrika ka socda oo nabad ilaaliyayaal ah balse weli ma dagano Soomaliya Alshabaab ayaa ah qatarta ugu weyn ee Soomaliya haatan ka taagan, waxayna wadaan dagaalo iyo qaraxyo joogto ah.

Xigasho BBC

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Mucaaradka oo Isku Haya Doorashooyinka iyo Dastuurka Soomaaliya

Xiisaddan siyaasadeed ayaa imanaysa iyadoo ay weli jirto walaac laga qabo jihada mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    21-02-2026

  • 10:42PM

Halkee Marayaa Shirkii u Dhexeeyey Golaha Mustaqbalka iyo Dowladda Federaalka?

Go’aankan ayaa yimid kaddib markii ay guul-darraysteen dadaallo hore oo lagu doonayay…

  • Soomaliya

    21-02-2026

  • 03:08PM