Burcad badeed Soomaali ah oo qafaashay markab laga leeyahay dalka Yamen

Image
Burcad-badeednimada ayaa mar kale ka soo cusboonaatay dalka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Burcad badeedda ayaa mar kale ku soo laabtay xeebaha Soomaaliya, iyadoo dhowaan ay la wareegeen Markab kaluumaysi oo laga leeyahay dalka Yamen laguna magacaabo “Emerat-2”, waana dhacdadii afaraad ee bishan.

Sida ay sheegayaan ilo wareedyo dhanka ammaanka ah, Markab kaluumaysi oo laga leeyahay dalka Yemen oo markii ugu dambeysay lagu arkay biyaha Soomaaliya ayaa la waayay.

Ilaa iyo haaatan ma cadda inta qof ee saarnayd doontan, balse Ururka Ganacsiga badaha ee UK (UKMTO) ayaa badinayo suutagalnimada in la afduubtay.

Ururka ayaa warinaya in markabka laga afduubtay meel 8 Mayl u jira degmada Eyl ee gobolka Nugaal, waxaana laga cabsi qabaa in lagu isticmaalo weeraro ay burcadku u gaysanayaan maraakiibta ganacsi.

Burcad-badeednimada ayaa mar kale ka soo cusboonaatay dalka, inkastoo ay dunidu dadaal ugu jirto sidii loo dhimi lahaa falalka noocaasi ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maraykanka oo Sheegay In Uusan Wadahadallo Kula Jirin Somaliland Si Loo Aqoonsado

Madaxweyne Trump ayaa dhawaan mar kale muujiyay xiisaha uu u qabo arrimaha amniga ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    28-08-2025

  • 05:02PM

Kenya oo Dhex-dhexaadinaysa Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe

Khilaafkan siyaasadeed wuxuu imaanayaa xilli uu muran xooggan ka taagan yahay wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    28-08-2025

  • 01:02PM