Burcadbadeed Soomaali ah oo afduubtay markab laga leeyahay Malta

Image
Markabkan ayaa markii ugu dambeysay la arkay isagoo marayey biyaha caalamiga ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada Midowga Yurub ee la dagaalanka burcad badeeda ayaa sheegay in Burcadbadeeda Soomaalida ay afduubteen markab ganacsi oo ku safrayay calanka Dalka Malta.

Taliska hawlgallada wadajirka ah ee ciidamada badda Yurub (Unavfor) ayaa sheegay inay heleen digniin ku saabsan weerarka burcadbadeedda ah ay ku qaadeen markabka "Ruen", kaasoo marayay meel u dhow jasiiradda Socotra.

Mid ka mid ah raggii ka tirsanaa kooxihii soo abaabulay weeraradii lagu qaaday maraakiibta ayaa u sheegay wakaalada wararka Reuters in uu maqlay in burcad badeeda ay u suurtagashay in ay gacanta ku dhigaan markabkan.

Mukhtaar Maxamuud oo ku sugan Qandala ayaa yiri: “Lix saaxiibaday ah oo burcad badeed ah ayaa u suurtagashay in ay qabtaan markab, waxaana ay keeni doonaan xeebaha bariga Puntland”.

Hawlgalka Ilaalada Xeebaha ee Midowga Yurub ayaa sheegay in markabka dagaalka ee Victoria loo diray aagga markabka laga waayay si uu u ururiyo macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan afduubka.

Markabkan ayaa markii ugu dambeysay la arkay isagoo marayey biyaha caalamiga ah, wuxuuna ku sii jeeday Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM