Buundadii Baardheere oo u go’day biyaha fatahaadaha

Image

BAARDHEERE, Soomaaliya - Biyihii ku soo fatahay magaalada Baardheere ayaa sababay in maanta go’do buundadii magaalada oo halbowla u aheed isku socodka degmooyinka gobolka Gedo.

Buundada ayaa xamili kari weyday baaxada biyaha webiga ee ku fatahay magaalada iyo guud ahaan gobolka intiisa kale.

Dadka ku dhaqan magaalada Baardheere ayaa waxaa soo food saartay xaalad bani’aadanimo oo ka dhalatay fatahaada wabiga, iyadoo dad badan oo rayid ah ay ku xaniban yihiin magaalada.

Hay'ada Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliya ayaa maanta ku guuleysatay in laba doonyood la gaarsiiyo dadkaasi go’doonsan, iyada oo ay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada ay ku baaqeen in gurmad la gaarsiiyo.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM