Cabdi Qeybdiid: Dil ayaan ka badbaaday, noloshayda khatar bey ku jirtaa

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, oo katirsan Gollaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa maanta ka hadlay weerar 30-kii bishii December Ciidamo ku qaadeen Guri uu ka degan yahay Muqdisho.

Shir jaraa'id oo uu ku qabtey Muqdisho ayuu Senator Cabdi Qeybdiid ka sheegay in weerarka ujeedkiisu ahaa mid la doonayay in isaga lagu dilo, laakiin uu ka badbaaday.

Cabdi Qeybdiid, oo ah Gudoomiyaha gudiga dib u eegida iyo la socodka Dastuurka ee Labada Aqal ee Baarlamaanka, ayaa intaasi ku daray in dhacdadaasi ay ku reebtay naxdin iyo murugo, maadaama la qalqal geliyay noloshiisa iyo mida qoyskiisa.

Sarkaal katirsan Ilaaladiisa oo lagu magacaabo Saciid Xuseen, ayuu sheegay in lagu dhaawacay weerarka oo uu ku eedeeyay mas'uuliaydiisa ciidamo uu tababaray Imaaraadka oo saldhigoodu yahay xerada Jeneraal Gordan oo ku taalla degmada Hodon.

Ciidamada NISA ee gobolka Banaadir, ayaa ka qeyb-qaatey weerarka, sida uu xaqiijiyay Senator Cabdi Qeybdiid.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayuu uga mahadceliyay sida ay uga dhiidhiyeen falkii lagu weeraray gurigiisa, isagoo dhaliilay baaritaankii la sameeyay.

"Waxaa nasiib darro ah in 33 maalmood kadib aysan wax tallaabo sharci ah oo laga qaaday weerarkaas, Saraakiishii Mukhaabaraadka Imaaraadka ee fuliyay Gurigayga weerarkii lagu soo qaadey, iyagoo adeegsanayay ciidamada ay tababareen, oo kaashanaya ciidamada Nabad Sugida gobolka Banaadir," ayuu yiri Cabdi Qeybdiid.

Wuxuu tilmaamay in lagu xad-gudbay Xasaanadiisa dastuuriga ah, islamarkaana ay wali jirto khatar noloshiisa iyo mida qoyskiisa ku wajahan, maadaama kiiskiisa aysan dowladda waxba ka qaban.

Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Soomaaliya, oo magaciisa ka gaabsaday ayaa Warsidaha Garowe Online u sheegay in sababta dowladda usoo bandhigi waysay natiijada baaritaanka weerarka Guriga Cabdi Qeydbiid ay tahay inuu lugta la galay meel xasaasi ah iyo Taliyeyaal sare oo katirsan NISA.

Hadalka Cabdi Qeybdiid ayaa kusoo beegmaya xilli uu jiro qorsho ay fulinayaan xubno kamid ah dowladda Federaalka oo doonaya in Soomaaliya ay xiriirka u jarto Imaaraadka Carabta, islamarkaana la safato Qadar.

Soomaaliya ayaa Imaaraadka kala dhaxeeya Xiririi Taariikhi ah, iyadoo ay shacab iyo Ganacsato badan ay ku nool yihiin, kana ganacsadaan dalkaasi, oo dhinaca kale mashariic horumarineed oo muhiim ah ka fulinayay gudaha Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

 

 

 

Related Articles

Golaha Wasiirada oo ansixiyey heshiisyo lala galay Qadar iyo Shiinaha

Shirka waxaa guddoominaayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre.

  • Soomaliya

    31-10-2024

  • 10:05AM

Jubaland oo diidey muddo kororsi kuna dhawaaqdey doorasho dadban

Maamulka Xasan Sheekh ayay ku eedeysay inuu doonayo firaaq dastuuri ah iyo kooxda AS oo aan laga adkaan.

  • Soomaliya

    31-10-2024

  • 05:06AM