Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka digay in baarlamaanku qaato go'aanno aan lagu heshiin

Image
Siyaasiga mucaaradka ah ayaa soo jeediyay in go’aamada ka soo baxaya golaha ay noqdaan kuwoo waaqica ku dhisan.

Muqdisho, Soomaaliya - Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Khudbad ka jeediyay Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, ayaa si weyn u dhaliilay wax ka beddelka lagu sameynayo dastuurka.

Siyaasiga mucaaradka ah ayaa soo jeediyay in go’aamada ka soo baxaya golaha ay noqdaan kuwoo waaqica ku dhisan, isla markaana soo jeediyay in maamulada ka dhisan dalka & siyaasiyiinta ay ka qeyb noqdaan wadahadallada ku saabsan dastuurka.

Cabdishakuur ayaa si adag uga horyimid in shaqda Dastuurka lagu soo koobo oo kaliya Baarlamaanka isaga oo carrabka ku dhuftay in ay jiraan go’aamo dhowr ah oo uu golaha soo saaray isla markaana aan fulin, sababo la xiriira inaan wadar-ogol lagu ansixin loona dhamayn.

Wuxuu intaas raaciyay: “Dhamaanteen waxaan rabnaa doorasho qof & cod ah, dhamaanteen waxaan rabnaa in madaxda Dowlad-Gobolada aysan ku takrifalin awoodda uu dastuurka siiyay, Laakin Sidee?”

Waxa uu sidoo kale sheegay in Soomaaliya aanay ka jirin Dastuur la’aan balse la daala dhacaysa laba arrimood oo kala ah in aan lagu dhaqmin Dastuurka iyo in awoodda fulinta aanay ku jirin gacanta dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM

Uganda oo xiriirka difaaca u jartay Türkiye, malaayiin dollarna ku waayi karta Soomaaliya

Arrintan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan sida loo maalgelin doono howlgalka iyo in dalalka ciidamadooda ku sugan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 06:03AM