Cabdiraxman Farole iyo Shiikh Shariif oo ku kulmay dalka Jabuuti

Image

JABUUTI- Magaalada Jabuuti ayaa habeenkii xaley 9 May,2016 waxaa kulan ku dhexmarey madaxweynihii hore ee Somaliya Shiikh Shariif Axmad iyo madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxman Shiikh Maxamad Farole kuwasoo kuwada hadlay arrimaha Somalia.

Kulankaan oo ka dhacey Hotelka madaxweynihii hore ee Puntland ka dagan yahay magaalada Jabuuti ee Sharaton ayaa wararku sheegayaan iney diirada saarayeen arrimaha Somaliya iyo doorashooyinka la filayo iney dhacaan sanadkaan dabayaaqadiisa.

Labada Madaxweyne oo horey uga soo wada shaqeeyey nidaamkii road-Map ee looga baxayey KMG nimada islamarkaana kamid ahaa madaxdii saxiixdey heshiisyadii GAROWE1, 2 ayaa musharaxiin ka ah doorashada la filayo in Somaliya ka dhacdo sanadkaan dabayaaqadiisa.

Madaxweynihii hore ee Somalia Shiikh Shariif Axmad ayaa weli ku dhawaaqin musharaxnimadiisa balse booqashooyin kala duwan ku kala baxshey dalalka dariska la ah Somalia halka Mudane Farole horey u sheegey inuu u taagan yahay qabashada xilka Madaxweyne ee Somaliya.

 Dhinaca kale ilo ku dhow labada mas'uul oo warsidaha Garowe Online la hadlay ayaa sheegey ineysan jirin warar dhowaan saxaafada lagu baahiyey oo xusayey iney ka qayb galayaan xaflada 18 MAY, 2016 ee ku beegan waqtigii Somaliland ku dhawaaqdey gooni isu-taaga.

Kulanka labadaan siyaasi ayaa ku soo beegmaya xilli ay magaalada Jabuuti kaga qayb galeen caleemo sarkii loo sameeyey Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele.

GAROWEONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM