Cabdiweli Gaas iyo Shariif Xasan oo gaarey Dhuusamareeb

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

DHUUSAMAREEB - Wafuud ay kala hogaaminayaan Madaxweyniyaasha Puntland Cabdiweli Gaas iyo Koonfur Galbeed Shariif Xasan ayaa maanta gaarey magaalada Dhuusamareeb, ee xarunta gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, Madaxda sare ee Ahlu Sunna iyo dadweyne kala duwan ayaa Garoonka kusoo dhaweeyay Cabdiweli Gaas iyo Shariif Xasan.

Labada Madaxweyne ayaa lagu casuumey Munaasabada dhameystirka Heshiiska Galmudug iyo Ahlu Sunna, taasi oo maalinta berri ah ka dhacaysa magaalada, oo uu ku sugan yahay Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa. Halkan ka akhri.

Cabdiweli Gaas ayaa la filayay in shalay uu tago Dhuusamareeb, balse baaqday kadib markii uu diiday in isaga iyo wafdigiisa la baaro xilli ay doonayeen inuu kusoo safro Diyaarad ay QM leedahay. Halkan ka akhri.

Dhanka kale, Askari katirsan ciidamada Ahlu Sunna ayaa dilay nin darawal ah oo watay Gaari nooca xamuulka ah oo uu uga shakiyay inuu qarax ka fulin raba magaalada Dhuusamareeb, oo amaankeeda aad loo adkeeyay.

Askariga ayaa lagu soo waramayaa in gacanta lagu dhigay, islamarkaana lagu xiray saldhiga degmada, sida Sarkaal katirsan Ahlu Sunna uu u xaqiijiyay Warsidaha Garowe Online.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM