Cabdiweli Muudey oo weerar afka ah ku qaadey Xukuumadda Khayre

Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey Guddoomiye Ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka, ayaa xalay weerar afka ah ku qaadey Xukuumadda Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Muudey, oo sidoo kale ah xilligan ku-simaha Madaxweynaha dalka ayaa sheegay inaysan habooneyn in la xaqiro wax qabadkii ay sameyeen Xukuumadihii hore iyo mas'uuliyiinta kala duwanaa ee usoo shaqeeyay qaranka.

Isagoo ka hadlayay Xaflad ay xilalka ku kala wareegayeen Thaabit Cabdi Maxamed iyo duqa cusub ee Muqdisho Eng Yariisow, ayaa Muudey fariin culus u diray Khayre iyo Golihiisa Wasiirada.

Muudey ayaa u sheegay Khayre iyo Xukuumadiisa in ay yimaadeen meel barwaaqo ah, oo wax kasta ay nidaamsan yihiin, kadibna talada ay qabteen, taasina loo baahan yahay in lagu xuso dadkii usoo halgamay, ee duruufaha adag kusoo shaqeeyay.

Gudoomiye ku xigeenka ayaa xasuusiyay Madaxda hadda talada haysa dhibaatooyinkii laga soo maray in dalka uu soo gaaro heerka uu hadda marayo, kuwaasi oo mas'uuliyiin badan naftooda kusoo waayeen.

"Waxaad timaadeen meel dhisan, oo lagu soo dhintay, lagu soo rafaaday, lagu soo qarxay, lagu soo gaajooday, maad sheegtaan dadkii adinka horeeyay waxay soo qabteen, taasi waa abaal-darro," ayuu yiri Muudey.

Wuxuu xusay inuu goobjoog u ahaa 2009 Xildhibaan baahi ugu dhintay Muqdisho markii wax uu cuno waayay, islamarkaana uu garan waayay qof uu shaxaado, sidoo kale kuwa badan la dilay iyagoo dalka u adeegaya.

“Maantana waad arkeysaan meeshaan quruxda badan ee aad xilka kula kala wareegaysaan, Dad ayaa soo gaarsiiyay ee iskama imaanin, Thaabid iyo Yariisowna ma keenin ee wax dadkii ka horeeyay ay soo qabteen ee ilaahey halagu xamdiyo meel barwaaqo ah ayaad timaadeene," Ayuu yiri Muudey.

Cabdiweli Muudey oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in qof kasta oo Soomaaliya wax usoo qabtay uu mudan yahay in lagu ammaano, laakiin aanan la xaqijiri wixii uu soo qabtay.

Hadalka Muudey ayaa kusoo beegmaya xilli marka ay Ra'iisul Wasaare Khayre iyo Gollahiisa Wasiiradda ay marka ay ka hadlayaan xafladaha iyo warbaahinta hal-ku-dhig ka dhigtaan in meel eber ah wax kasoo billaabeen.

Tani ayaa dabaalka ka qaaday warar mudooyinkii damba jiray oo sheegaya inuusan wanaagsanyn xiriirka wadashaqeyn ee Xukuumadda Federaalka iyo Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka.

Mudane Khayre oo xafiiska jooga mudo ka yar hal sano ayaa inta badan adeegsaan "waa markii ugu horeysay" isagoo tallaabo kasta oo dalka uu qaado u fasira inay qabatay Xukuumaddiisa, kuwii horena waxba kama jiraan ka dhiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Midowga Afrika oo ansixiyey $10 milyan oo taageerayo hawlgalka Soomaaliya

Lacagtan ayaa lagu xoojinayaa awoodda hawlgalka AUSSOM maadaama uu ka wareegayo hawlgalka Midowga Afrika.

  • Soomaliya

    13-07-2025

  • 01:54PM

Villa Somalia oo Ciidamo u dirtay Gedo oo qarka u saaran inuu dagaal ka qarxo

Xiisadda u dhaxeysa ciidamada federaalka iyo kuwa la safan Jubbaland ayaa muddooyinkii dambe ahayd mid kacsan.

  • Soomaliya

    13-07-2025

  • 11:59AM