"Caddeynta" faragelinta Farmaajo ee guddiyada G/Waqooyi
MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha xilheyntiisu dhamaatay Farmaajo ayaa wuxuu ku adkeysanayaa in guddiyada doorashada kuraasta gobolada waqooyi kamid noqdaan xubno "caddeymo loo hayo in aysan dhexdhexaad ahayn".
Shaqsiyaadkaas waxaa kamid ah Khadar Xariir Xuseen, guddoomiye ku xigeenka hay'adda qaxootiga Soomaaliyeed, kaasoo uu Farmaajo doonayo in uu noqdo guddoomiyaha guddiyada xulista wakiiladda Somaliland.
Warsidaha Garowe Online ayaa helay nuqul kamid ah caddeynta Xuseen taas oo muujineysa in uu kamid yahay shaqaalaha rayidka dowladda isla markaana uu bishaan si rasmi ah u qaatay mushaharkiisa dowladda.
Xuseen ayaa, sida ay macluumaadyadda la helayo muujinayaan, waxaa uu kamid uu kamid yahay liiska ay gudbiyeen Midowga Musharaxiinta Madaxtinimada balse Villa Soomaaliya ay diidan tahay in laga saaro guddiyada.
"Farmaajo si ay ugu meelmarto qorshahan uu damacsan yahay wuxuu handadaad ku haayaa wasiirada kasoo jeeda Somaliland ee kamid ah xukuumada xilgaarsiinta si ay ugu ololeeyaan in Xariir aan laga saarin guddiyadda," ayay sheegeen dhowr illo wareedyo kala duwan oo daaha ka rogay in madaxweynaha waqtiga ka dhacay uu wasiirada si gaar ah ula kulmay.
Sumcada Rooble oo halis wajaheysa
Iyadda oo is-jiid-jiidkan aysan u wanaagsaneyn fulinta heshiiska doorashooyinka, haddana waxay u muuqaneysaa mid khatar gelineysa sumcadda ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta haddii uusan go'aan cad ka qaadan qaddiyadan.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir kana mid ah Midowga Musharaxiinta oo kamid ah dadka fekerkaas qaba, ayaa ku booriyey Rooble in uu talaabo deg-deg ah u qaado arrintan.
"Hawl socodsiinta shaandhaynta guddiyada doorashooyinka mugdi wayn ayaa hareeyey. Waxaa soo baxaya in la hor istaagay shakhsiyaad tabasho laga soo gudbiyey, laguna hayo caddaymo in guddiga laga saaro, halka xubno kale oo cid tabasho ka soo gudbisay aysan jirin la doonayo in guddiyada laga saaro, iyadoo loogu danaynayo shakhsiyaad gaar ah: Haddii ay taasi dhacdo waxay dhaawacaysaa kalsoonida lagu qabo Raysalwasaare Rooble," ayuu Warsame ku qoray bartiisa gaarka ah ee mareegga Facebook.
Qadiyadda xulista wakiiladda Somaliland ayaa kamid ah qodobadii ugu cuslaa ee hareeyay wadaxaajoodyaddii uu Rooble garwadeenka ahaa ee magaala madaxda ka qabsoomay bishii May kana soo baxay heshiiska doorasho.
Maamulka Farmaajo oo horey ugu fashilmay in waddanka u jiheeyo doorasho heshiis lagu yahay iskuna dayey in uu muddo kororsi ku meelmariyo si awood-sheegasho ah ayaa u muuqda mid hindisaya farsamooyin uu caqabad ku abuuro.
GAROWE ONLINE