Cagjar oo ku taageeray Abiy Axmed damaciisa ku aadan Badda Soomaaliya

Image
Cagjar ayaa sheegay in maamulkiisa uu ka tirsan yahay Itoobiya, xilli xiisad colaadeed laga dareemayo gobolka.

JIGJIGA (GO) - Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya Mustafe Cumar Cagjar ayaa soo dhoweeyay heshiiska ay dowladda Itoobiya iyo maamulka Somaliland gaareen ooqeexya in Itoobiya ay la wareegto qeyb ka mid ah badda Soomaaliya.

Cagjar waxa uu sheegay in maamulkiisu uu ka tirsan yahay dalka Itoobiya, isla markaana ay heshiiskaas uga faa’iidaysan karaan dhanka dhaqaalaha, maadaama ay Itoobiya ku nool yihiin dad tira badan.

Madaxweynaha ayaa ku nuux nuuxsaday muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo amniga gobolka oo ay ka jiraan colaado iyo dagaallo, isagoo caddeeyay in labada dhinac ay ka faa’iideysan doonaan heshiiska.

Dhinaca kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay xaqiijiyay in Itoobiya ay tahay cadaw taariikhi ah oo Soomaaliya leedahay, isla markaana ay awood u leeyihiin inay isku mar la dagaalamaan Itoobiya iyo Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa si adag uga hadlay damaca Itoobiya ee ah in Soomaaliya ay kala qeybiso, waxaana uu digniin adag u diray qof kasta oo Soomaali ah oo la macaamila dowladda Itoobiya si uu uga helo faa’iido dhaqaale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM