Cali Balcad: Heshiiska Badda Itoobiya waxa uu Soomaaliya uga halis badan yahay AS

Image
Wasiirka ayaa caddeeyay in heshiis-beenaadkan uu yahay mid sharci darro ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ahna ku simaha Wasiirka Cali Cumar (Cali Balcad), ayaa ka hadlay khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya ee salka ku haya heshiiskii sharci darada ahaa ee Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu la galay Muuse Biixi.

Wasiiru dowlaha ayaa sharci-darro ku tilmaamay heshiiskaas, isagoo sheegay in heshiisyadu ay dhaxmaraan dhinacyo is-waafaqaya, halka heshiiska ay labada dhinac gaareen uu yahay mid u dhexeeya dowlad iyo maamul deegaan.

Cali Balcad ayaa caddeeyay in heshiis-beenaadkan uu yahay mid sharci darro ah markii loo eeego shuruucda caalamiga ah.

Waxa kale oo uu tilmaamay in heshiiska la kala saxeexday aanu ahayn mid ganacsi, balse uu ka kooban yahay afar qodob oo ay ka mid yihiin in Itoobiya la siiyo dhul Soomaaliya ka mida, isla markaana ay ka dhisan karto saldhig milateri iyo dekad, sidaasina ay Itoobiya ku aqoonsato Somaliland.

Wasiirka waxa uu carabka ku dhuftay in dhamaaan dhinacyadaasi ay yihiin kuwo liddi ku ah Qaranimada iyo Midnimada Soomaaliya, Waxuuna sheegay in Itoobiya ay maanta noqotay khatar ka weyn Al-Shabaab.

Waxa uu intaasi ku daray “Al-Shabaab kaliya waxa ay khatar ku yihiin amniga Soomaaliya, mana aha kuwo khatar ku ah madax-bannaanida iyo midnimada dalka, balse heshiiska Itoobiya waxa uu liddi ku yahay intaas”.

Dowladda Soomaaliya ayaa laga dareemaya dhaq-dhaqaaq siyaasadeed oo aan horay loo arag, iyadoo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu markii ugu horreysay ka hadlay in loo diyaar-garoobo dagaal ka dhan ah Itoobiya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

El-Sisi oo Madaxa CIA-da u sheegay in Masar ay difaacayso madax-bannaanida Soomaaliya

Mowqifka El-Sisi ayaa qeyb ka ah taageero joogto ah oo Masar ay u muujinayso madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 08:15AM

Uganda oo xiriirka difaaca u jartay Türkiye, malaayiin dollarna ku waayi karta Soomaaliya

Arrintan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan sida loo maalgelin doono howlgalka iyo in dalalka ciidamadooda ku sugan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-09-2026

  • 06:03AM