Cali Dhaanto oo Beeniyay in lagu sumeeyay Kismaayo [Dhageyso]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya- Fannaanka Caanka ku ah Dhaantada islamarkaana muddooyinkii dambe safar ku marayay gobollada dalka Soomaaliya, Cali Bashiir Cabdi (Cali Dhaanto) ayaa beeniyay warar lagu faafiyay baraha bulshada gaar ahaan Facebook, kuwaasoo sheegayay in lagu sumeeyay magaalada Kismaayo ee xarunta maamul goboleedka Jubbaland.

Warkan ayaa lagu soo beegay xilli maanta uu safar kasoo ahaa magaalada Kismaayo islamarkaana uu kusii jeeday caasimadda dalka ee Muqdisho.

Qoraalka la faafiyay ayaa lagu yiri in Cali Dhaanto ku sumoobay Martiqaad loogu sameeyay aqalka Martida Jubbaland.

Balse Fannaankan ayaa markii uu kasoo dagay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, wuxuu muuqaal toos ah kasoo galay barta uu ku leeyahay Facebook, isagoo beeniyay warkaas islamarkaana ku tilmaamay shakhsiyaadka fidiyay inay yihiin kuwo ka xun hormarka dalka xaasidna ku ah noloshiisa.

Cali Dhaanto, ayaa sidoo kale tilmaamay inuu caafimaad qabo islamarkaana saaka isagoo nabdoon kasoo safray Kismaayo, hadana uu joogo Muqdisho xaaladiisa Caafimaadna ay tahay mid aad u wanaagsan.

"Saaka anigoo nabdoon ayaan kasoo safray Kismaayo, intii aan hawada kusoo jirnay ayaa balaayadan la walaaqay, markii aan soo dagnay ayaan ka war helnay umaddii oo laga nixiyay iyo dad nasoo wacaya oo leh war xaaladaada ka waran," sidaas waxaa Muqaalkiisa tooska ah ku sheegay Cali Dhaanto oo intaas ku daray, "Waxaan leeyahay wararka been abuurka ah oo umadda loo sheegayo ha la joojiyo, inaad cid ku waxyeelaysaan maahane faa'iido ka heli maysan, aniga ayaa is taa taabtay, maxaad moodaa cid kale."

Fannaanka ayaa sidoo kale sheegay in dhacdadan aysan ahayn markii ugu horaysay ee laga faafiyo warar been ah iyo in la dilay.

Inta badan wararka noocaan ah ayaa sannadihii ugu dambeeyay ku badnaan gudaha baraha ay ku kulanto Bulshada, taasoo aan ilaa hadda la aqoon ajandayaasha laga leeyahay iyo faa'iidada laga dhaxli karo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kadib markii uu codeeyay, Xasan Sheekh oo ku baaqay wadahadal xilli uu jiro Khilaaf doorasho

Doorashadan maanta waa xilli taariikhi ah," ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in hirgelinta nidaamka hal qof.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 10:58AM

Al-Shabaab oo weli ah khatarta ugu weyn ee amniga Soomaaliya iyo Geeska Afrika 

In kasta oo dadaallo joogto ah oo ay wadaan ciidanka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah lagu xakameynayo howlgallada Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 07:45AM