Cali Jeyte: Gobolka Hiiraan waxaa lagu sameeyay "takoorka aan horay loo arag"

Image

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa dowladda federaalka iyo Maamulka Hirshabelle ku dhaliilay wax uu ku tilmaamay “faquuq aan horay loo arag” oo lagu sameeyay gobolka, isagoo ku baaqay in si deg deg ah wax looga bedelo hab dhaqankan xun.

Isagoo ka hadlayay Magaalada Maxaas Sabtidii, Cali Jeyte oo dhawaan uu xilka ka qaaday Hoggaamiyaha Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ku adkeystay in aysan jirin wax mashruuc weyn oo Hiiraan ka socda, haddii ay ahaan lahayd mid ka yimid dowladda Federaalka ama HirShabeelle oo uu ku eedeeyay habacsanaan.

Jeyte oo lagu yaqiinay mowqifka adag ee ka dhanka ah Al-Shabaab, ayaa tan iyo markii uu ku dhawaaqay inuu yahay hogaamiyaha Hiiraan State, ku adkeysanayo inuu hadda yahay maamul federaal ah. Guddoomiyihii hore ayaa sheegay in la dayacay baahiyaha dadka reer Hiiraan.

"Intii aan joogay Hiiraan, ma jiro hal mashruuc oo la sameeyay," ayuu yiri. “Wax la taaban karo oo la gaaray ma jiraan, dowladnimadu waa inay si dhab ah u daboosho baahida shacabka, ma ahan oo kaliya inay bixiso ballanqaadyo maran”.

Maalmahaan ayaa lagu wadaa in Jeyte uu la kulmo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqan doona Maxaas, taasoo qeyb ka ah safarada uu ku marayo gobolada dalka oo la doonayo in lagu baraarujiyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. Jeyte waxa uu muhiim u ahaa abaabulka dadka deegaanka ee dagaalka lagula jiro kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida.

Xasan Sheekh ayaa ku booriyay hoggaamiyeyaasha inay u midoobaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, isagoo xusay in dadaallada wadajirka ah iyo wada-shaqeyn dhexmarta dhammaan dhinacyada ay khuseyso ay fududeyn doonto in ciidamada xoogga dalka ay Al-Shabaab ka xoreeyaan deegaannada ay kaga harsan yihiin. Kooxdan ayaa u dagaalamaysa sidii ay u dumin lahayd dowladda ay Qaramada Midoobay taageerto ee Soomaaliya.

Wajiga labaad ee howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa lagu wadaa in uu ka bilowdo deegaanada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, balse DF ayaan wali shaacin xilliga iyo bisha uu bilaaban doono howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab. Hawlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya [ATMIS] iyo Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa ka qaybqaadan doona dagaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ahmed Madobe oo Nairobi kawada kulamada safiirada Beesha Caalamka

Safarka Axmed Madoobe ee Kenya ayaa ka caraysiiyay dowladda Soomaaliya, maadaama xanibaadii socdaalka socon waysay.

  • Soomaliya

    20-01-2025

  • 05:05PM

Farmaajo: Wadajirkii iyo midnimadii Soomaaliya ayaa halis gashay

War-saxaafadeedka waxaa lagu sheegay in wax ka baddal Dastuurka iyo qabashada doorasho aan Puntland, Jubaland.

  • Soomaliya

    20-01-2025

  • 03:03PM