Caqabad soo wajahdey Imtixaanka Shahaadiga ee DF Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Inkasta oo lasoo gabagabeeyay, caqabad ayaa waxay durba soo wajahdey Imtixaanka fasalka 12aad dugsiga sarre ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay qaadeyso sanadkan.

Waji-gabaxaas oo xukuumadda ka jawaabtay ayaa ka dhashay muuqaal iyo qoraalo lagu baahiyey baraha bulshadda, 24-kii saac ee lasoo dhaafay kuwaas oo muujinaya kormeereyaasha u kala eexdeen ardayda.

Muuqaalka oo dhowr daqiiqo soconaya ayaa muujinaya kormeereyaal garab-siinaya arday ay ku adkaatay in ay ka jawaabaan su'aallo, halka qoraalada caddeynayaan nuqul kamid ah Imtixaanka dowladda.

Sidda ay wararku sheegayaan, muuqaalkaas waxaa laga soo duubay goob kamid ah xarumaha ay Wasaaradda Waxbarashada u asteysay in lagu qaado Imtixaanka oo ku taala koonfurta Soomaaliya.

Cabdullaahi Goodax Barre, wasiirka tacliinta federaalka oo been abuur ku sifeeyay muuqaalka, ayaanan soo hadal-qaadin qoraaladda.

"Booliska, hay'adda dambi-baarista CID-da iyo wasaaradda waxbarashada waxay xaqiijiyeen in uu been abuur yahay muuqaalkaas; waxaana ka dambeeya siyaasiyiin dano gaar ah la leh," ayuu ku yiri fariin muuqaal ah oo uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee xiriirka bulshada Facebook-ga.

Goodax Barre oo qudhiisa wajahaya eedeymo ku saabsan in uu siyaasadeynayo shahaadada ardayda Puntland ayaa tilmaamay in ay ku raadjoogaan "shaqsiyaadka isku dayay qalqalgelinta Imtixaanka".

Sanadkii hore ayay ahayd markii Wasaaradda Waxbarashadda ku qasbanaatay in ay baabi'iso Imtixaanka ka gedaal markii la dusiyey isla markaana si suuq madow ah loogu kala iibsanayey gobolada iyo Muqdisho.

Xaqiiqooyinka la diiwaan-geliyey sanadkii hore waxaa kamid ah in kolkii hore uu wasiirku dafiray in Imtixaanka la dusiyey, balse uu dib ugu soo baraarugay isla markaana ku qasbanaaday in uu talaabo qaado.

Tan iyo markii uu xafiiska yimid Goodax Barre, wasaaradda waxbarashadda federaalka waxaa hareeyay eedeymo musuqmaasuq iyo khilaafyddo kala dhaxeeya Daladaha Waxbarashada iyo maamulada waddanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM

Xamza oo la kulmay wakiilka Ururka Jaamacadda Carabta kadib eedeyntii Itoobiya

Dowladda Soomaaliya ayaa difaacday heshiiska ciidamada Masar, iyagoo sheegay in uu yahay mid loogu talagalay dib u dhiska ciidanka.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 07:28AM