Caqabadaha "aan la aqbali karin" ee uu leeyahay sharciga doorashooyinka

Image

GAROWE, Puntland – War-murtiyeedkii kasoo baxay Shirweynaha Wadatashiga Puntland ayaa soo bandhigay caqabado "aan la aqbali karin" oo uu leeyahay sharciga doorashooyinka Soomaaliya.

Hindise-sharciyeedkaas oo ay diideen qaar kamid ah dowlad goboleedyada waxaa "dhamaadka muda xileedkii dowladda" qalinka ku duugay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidda ku xusan bayaanka Shirweynaha, caqabadaha waxaa kamid ah inuu isku dhafayo nidaamka awood-qeybsiga beelaha 4.5 iyo hanaanka xisbiyadda badan "taasoo ka hor-imaaneysa dastuurka".

"Sharciga wuxuu dastuuri ka dhigayaa nidaamka awood qeybsiga beelaha taasoo ahayd in laga gudbo oo aan marna noqon karin sharciga dalka," ayaa lagu yiri qoraalka oo uu arko GO.

War-saxaafadeedka ayay hoosta ka xariiqeen "in uusan abuureyn nidaam doorasho oo xildhibaanadu si siman ugu soo baxaan".

Waqti-ku-darsi ay sameysato dowladda uu hogaamiyo Farmaajo ayay si cad carabka ugu dhufteen in aan marnaba lasoo dhaweyn-doonin.

"Maadaama sharciga la saxiixay dhamaadka muda-xileedkii dowladda, dalkuna uusan dhamaan kuwada jirin gacanta dowladda, waxaa adag in Dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah. Isla mar ahaantaasna shirweynuhu wuxuu go'aansadey in aan la aqbali karin in wax muddo kordhin ah loo sameeyo hay'addaha dastuurtiga ah ee federaalka," ayaa la raaciyey.

Gogol ayuu ku baaqay in ay Puntland u qabato saamileyda siyaasadda Soomaaliya. Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo ka jawaabaya arrintaan ayaa casuumay dowlada iyo maamulada.

Soomaaliya ayaa wajaheysa mar-xalad xasaasi ah oo u baahan waaya-aragnimo siyaasadeed oo buuran iyo wadahadalo si looga fogaado khilaaf siyaasadeed oo khatar geliya nidaamka dowladnimo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM