Caqabadaha ku xeerka kaalin ay Kenya ku yeelato damaca Somaliland

Image

NAIROBI, Kenya – Xaqiiqada ku saabsan in Kenya ay heshay kursiga Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay wuxuu fursad u yahay damaca Somaliland, balse ma ahan guul la saadaalin karo, sidda ay sheegeen falanqeeyeyaal.

Xukuumadda Nairobi oo xubinimadda ku guuleystay bishii hore ayaa kaga adkaatay Jabuuti oo taageero ka heshay Dowladda Soomaaliya.

Waqti xaadirkaan xukuumadda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland waxaa u socda wadahadalo "si meesha looga saaro kala qeyb-sanaanta".

Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, iyo ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa soo qaban-qaabiyey wadahadaladii bishii hore ka qabsoomay Jabuuti kana shaqeeyay heshiiskii horudhaca ahaa ee soo baxay.

Inkasta oo dhinacyadda ay isku raaceen in aan la siyaasadeyn gargaarka, madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa si ku cel-celis ah u sheegay in aysan ogolaan doonin wax ka yar "aqoonsi caalamka ay ka helaan".

Markii Biixi isku arkeen xafiiska Abiy ee Hargeysa, kulankaas ayaa ka dambeeyay bilooyin kadib markii madaxweyne Farmaajo uu raaligelin ka bixiyey dhibaatooyinkii ay dowladii Siyaad Barre ka geystay Somaliland.

Rashiid Cabdi, falanqeeye arrimaha siyaasadda Geeska qaarada Afrika, ayaa sheegay in go'aanka uu qaatay xisbiga mucaaradka Kenya ee ah u ololeynta aqoonsiga Somaliland, ay adag tahay in uu noqdo mid mira-dhal ah.

Sidda laga soo xigtay Rashiid Cabdi, dacwadda badda ee dhextaala Soomaaliya iyo Kenya, waana caqabadda ugu weyn ee hindisahaan.

"Dagaal adag buu noqon doonaa. Waxay u badan tahay in uu saameyn doono kiiska badda. Aragtiyo xoogan oo taageersan Somaliland ayaa ka dhex-jira xisbiyadda. Way adag tahay in in la saadaaliyo," ayuu yiri Cabdi, oo hoosta ka xariiqay in bilooyinka soo aadan uu xiriirka u dhaxeeya dalalka deriska ah ee uu noqon doono mid "si qoto dheer god mugdi ah u gala".

Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ ayaa bisha Maaj ee sanadka 2021 waxay dib u bilaabi doontaa dhageysiga dacwadda badda.

Kenya ayaa gudaha Soomaaliya ku leh joogitaan ciidan, wallow ay wajaheyso eedeyn ku saabsan in aysan kusoo gelin ogolaanshiyo dowladeed, balse ay ku doodeyso in ay kula dagaalameyso maleyshiyada hubeysan ee Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweeney Lagu Xukumay 15 Sano ka Dib Ururinta $1.2 Milyan oo Al-Shabaab loogu Maalgaliyay

“Dhammaan dadka ku lugta leh falalkan halista ah waxaa la horkeeni doonaa sharciga si cadaaladda loo waafajiyo,” ayaa lagu yiri bayaanka xafiiska.

  • Soomaliya

    16-09-2025

  • 11:46AM

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar oo Kulan Muhiim ah Ku Yeeshay Doha

Xasan Sheekh ayaa Amiirka Qatar la wadaagay dareenka shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan garab-istaagga shacabka Qatar.

  • Soomaliya

    15-09-2025

  • 12:24PM