Cawad oo beeniyey warar laga faafiyey Wasaarada Arrimaha Dibadda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Axmed Ciise Cawad, wasiirka arrimaha dibada Soomaaliya, ayaa gaashaanka ku dhuftay wararka sheegaya khilaaf kala dhaxeeya wasiiru-dowlihiisa, C/qaadir Axmed Kheyr Cabdi.

Wareysi uu caasimadda dowladda Puntland ee Garowe ku siiyey telefishinka Somali Cable ayuu kaga jawaabay hadalheyntaas.

"Warbaahinta waxay doonto bey qori kartaa, laakiin anigu waxaan ku leeyahay Wasaaradda Arrimaha Dibadda wasiir bey leedahay, wasiiru-dowlena waa leedahay, maamulka wasaarada waa iska leh wasiirka," ayuu ku jawaabay markii la hor-dhigay waxay sheekooyinka war-fidiyeenka.

Mar la waydiistay in uu si cad u qeexo in uusan jirin wax khilaaf ah, wuxuu xusay "ma jiro khilaaf, wasaaradda anigaa mas'uul ka ah".

Xilli leysku dayey in la saaro cadaadis dheeraad ah isla markaana uu caddeeyo arrimaha jira, Cawad ayaa si weyn isku difaacay.

"Wasaaradda howsheeda ayay wadataa, waana shaqeysaneysaa, anigaa mas'uul ka ah," ayuu carabka ku adkeeyay diblumaasiga.

Hadalka wasiirka ayaa imaanaya markii saxaafaddu ay qortay in isaga iyo wasiiru dowlihiisa ay isku hayaan magacaabista Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Warqado iska hor-jeeda oo ku saabsan magacaabida ayay saxaafadda qoraalka soo bandhigtay, wallow aysan baahin caddeymo.

Dhowr jeer ayay horey u dhacday in wasaaraddaha xukuumadda ra'iisul wasaare Khayre ay madaxooda isku khilaaf arrimaha dhexdooda ah, taasoo kalifta in ay soo farageliyaan madaxda Qaranka si loo xaliyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM