CC Shakuur: Farmaajo iyo Fahad Yaasiin waxay isku dayeen inay i dilaan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Farmaajo inuu ka dambeeyay weerarkii gurigiisa lagu qaaday 18-kii bishan, kaasi oo uu sheegay in lala damacsanaa in isaga lagu dilo.

Siyaasigan oo Khamiistii lasoo dhaafay laga sii daayay xabsiga dowladda, ayaa dusha uga tuurey mas'uuliyadda xarigiisa iyo duulaankii lagu qaaday Madaxda sare ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

Weerarka oo socday mudo 30 daqiiqo ayuu sheegay in ka qeyb qaateen 5 Askar oo la socday ciidamada NISA, kuwaasi oo si gaar ah loogu xilsaarey inay isaga dilaan, markii ay laayaan Askarta ilaalada u ahayd.

CC Shakuur ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo, Agaasiimaha Madaxtooyadda Fahad Yaasiin iyo Ra'iisul wasaare Khayre ay daqiiqad-daqiiqad ay qadka taleefonka ugala socdeen howlgalka ka socday gurigiisa.

"Farmaajo, Khayre iyo Fahad Yaasin waxa kuwada jireen Raadiyaasha ciidanka waxayna si toos ah ugala socdeen weerarka la igu soo qaadey ee la doonayay in lagu qaarijiyo," ayuu yiri Cabdiraxmaan C/shakuur.

Siyaasigan ayaa shacabka Soomaaliyeed ku wargeliyay in wixii soo gaara hadda kadib loo haysto Madaxweyne Farmaajo iyo Agaasiimaha Villa Soomaaliya Fahad Yaasin, oo xiriir dhaw la leh Qadar.

Wuxuu tilmaamay in markii uu dhibka ku dhacay aysan saddexda mas'uul wax dareen ah ka muujin, balse taasi bedelkeeda ay caga-jugleyn ku hayaan Garsoorkii xukumay in CC Shakuur uu yahay demi la'aanta iyo sii deyntiisa.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa dhanka kale sheegay inuu maxkamad caalami ah la tiigsanayo Farmaajo, Fahad iyo Khayre duulaankii gardarada ahaa ee ay ku qaadeen gurigiisa, kaasi oo isaga lagu dhaawacay, sidoo kalena lagu dilay 6 kamid ahaa ciidankiisa ilaalad u ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Kordhisay Doorkeeda Geeska Afrika, Kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Qaahira

Kulankan ayaa imanaya kaddib booqashooyinkii dhawaan ee Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan.

  • Soomaliya

    08-02-2026

  • 07:14PM

Xasan Sheekh iyo Al-Sisi oo ku heshiiyay difaaca midnimada Soomaaliya, kana horyimid aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Dhankiisa, Madaxweyne Al-Sisi ayaa carrabka ku adkeeyay in Masar ay si buuxda u ixtiraamayso madaxbannaanida.

  • Soomaliya

    08-02-2026

  • 06:20PM