CC Shakuur oo diiday inuu hortago Maxkamadda Racfaanka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka baaqsaday saaka inuu hortago Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir oo u yaartey.

Illo wareedyo ku dhaw Siyaasigan ayaa Warsidaha Garowe Online u sheegay in qareen u doodaya uu u diray Maxkamadda, si uu wakiil uga noqdo dhageysiga dawacadiisa.

Arintan ayaa ka dambaysay kadib markii shalay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir uu dib usoo cusboonaysiiyay Kiiska Cabdiraxmaan oo Xafiiskiisa ku eedayay inuu sameeyay qiyaano qaran iyo abaabulka mooshin lagu ridayo Farmaajo.

Maxkamad gobolka Banaadir ayaa fasaxday Siyaasigan khamiistii lasoo dhaafay 21-ka December, kadib markii ay sheegtay inay ku waysay dhamaan dembiyadii uu Xafiiska Xeer ilaaliyaha Qaranka oogay.

Wararka ayaa sheegaya in Cabdiraxmaan Cabdishakuur amaankiisa aad loo sugay wixii ka dambeeyay markii uu Axmed Cali Daahir racfaanka ka qaatey go'aankii isaga lagu soo daayay.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa dhawaan sheegay in Madaxweyne Farmaajo, Agaasiimaha Villa Soomaaliya Fahad Yaasiin iyo Ra'iisul Wasaare Khayre ay isku dayeen inay ku dilaan weerarkii Gurigiisa Ciidamada NISA ku qaadeen 10 maalmood kahor. Halkan ka akhri. 

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa horey usoo noqday Wasiirka Qorsheynta dowladdii KMG ahayd ee Sheekh Shariif, sidoo kalena wuxuu kamid ahaa Musharaxiinta la tartamay Madaxweyne Farmaajo doorashadii Febuary 2017.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pakistan iyo Soomaaliya oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga difaaca iyo amniga

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa uga mahadceliyay Pakistan taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 02:28PM

Sheekh Shariif: Ciidamada Qaranka waxaa laga weeciyay dagaalka Al-Shabaab

Khamiistii, ciidamada Puntland ayaa la wareegay saldhig ku yaalla Boosaaso oo ay hore u deganaayeen ciidamo hore loogu yiqiin PSF.

  • Soomaliya

    06-08-2026

  • 06:50AM