CC Shakuur oo si adag uga hadlay is-hortaaga khudbadiisa Malaysia

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si adag u cambaareeyay is-hortaagii lagu sameeyay hadal-jeedin uu ka sameyn lahaa dalka Malaysia.

Talaabadaas ayaa timid markii safaaradda Soomaaliya ay booliska u dirtay warqad ay ku codsaneyso in la baajiyo munaasabada oo lagu casuumay arday Soomaaliyeed.

Illo lagu wareedyo ayaa sheegay in bileyska ay soo galeen xafladda oo socotay kuna amreen in la joojiyo. Xogta waxay sheegeysaa in Warsame uu xiligaas soo afjaray hadalka.

"Dowladda Soomaaliya si ay u joojiso khudbad aan u jeedin lahaa ardayda Soomaaliyeed ee Malaysia ayaa safaaradda Soomaaliya ee Malaysia oo ka amar qaadnaysa Villa Somalia, waxay Booliska dalka Malaysia ku wargelisay in aan ahay danbiile baaritaan dalkiisa uga socda, Islaamka u gefey, fatwana la iga soo saaray, la iina diiday in aan dalal badan oo Islaam ah hadal jeedin ka sameeyo," ayuu Warsame ku yiri Facebook.

Hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Wadajir oo hadalkiisa sii wata ayaa falkaas wuxuu ku sifeeyay "ku takrifal awood dowladeed".

"Waa sida ugu foolxun oo awood dawladeed loogu takrifalo, iyo sida ugu liidata ee dan qaran dal kale looga jirto," ayuu siyaasigu raaciyey qoraalka uu soo dhigay barahiisa gaarka ah ee bulshada.

Warsame oo xurguf ay kala dhaxeyso dowladda Farmaajo ayaa kamid ahaa murashaxiinta doorashadii 2017, isagoo sidoo kale horey u soo noqday Wasiirka Qorsheynta ee Soomaaliya.

"Waxaa mahadda leh daddaalka ardayda Soomaaliyeed iyo garashada Booliska Malaysia oo suuragaliyey in hawhsii socoto, shirqool kii iyo isku daygii naflacaariga ahaa ee kooxda Vila Somalia uu fashilmo," ayuu kusoo koobay.

Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhowr jeer horey waxay siyaasiyiinta mucaaradka gaar ahaan Warsame ka joojisay munaasabado uu kula hadli lahaa taageereyaashiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM